Si aad caawimo uga hesho maamulka cadhadaada ama dagaalka, waxaad ka faa’iidi lahayd la hadalka daaweeyaha. Qof ayaa sidoo kale u baahan oggolaanshaha in la dhigo qaybta dhimirka in muddo ah. Dhakhtarka gaarka ah ama dhakhtarka nafsiga, la tashiga, qiimaynta haddii aad caawimo sidaas ah u baahantahay oo way ku gudbin doonaan adiga haddii ay dareemaan in tani ay lama huraan tahay. Waydii haddii kuwa ku soo gudbinayaa ay fahmayaan inaad u baahantahay dhakhtar dawayneed oo leh aqoonta cadhada, dagaalka iyo weearka.
Dhammaan dowladda hoose waxay bixiyaan adeegyada caafimaadka maskaxda, oo kuwa badan waxay leeyihiin dhakhtarkooda dhimirka ee degmada.
Si aad uga hesho caawimo xarunta dhimirka degmadda (DPS) ama dhaktarka nafsiga ama dhimirka oo leh kaabbida hawlgalka (qandaraaska dhakhtarka takhasuska), waxaad u baahan doontaa gudbin. Sidoo kale waxaa jira tiro dhakhtarada nafsiga ah iyo kuwa dhimirka kuwaas ku shaqeeya iyagoon lahayn kaabbida hawlgalka. Xaaladaha noocan ah caadi ahaan uma baahnid gudbin laakiin adeega waxa uu inta badan noqon doonaa mid aad u qaalisan ku dawaynta xaga xarunta dhimirka degmadda ama dhakhtarka nafsiga/dhakhtarka dhimirka kaas oo leh kaabbida shaqaynaysa.
Shaqaalahu waxay leeyihiin waajibka qarsoodiga oo sidaas awgeed looma oggola inay la wadaagaan wax macluumaad ah oo adiga kugu saabsan kuwa kale oggolaanshahaaga la’aanteed, ama haddii ay jirto halis nolosha iyo caafimaadka ah. Turjubaan ayaa la bixin karaa, marka loo baahdo.
Wakhtiga sugitaanka daawaynta xaga xarunta dhimirka degmadda way kala duwantahay iyaddoo ku xidhan halka aad wadanka ka joogto. Haddii xaruntaada dhimirka degmaddu aanay ku siin karin adiga adeeg wacan oo kugu filan, waxaa jira ikhtiyaar adigu aad leedahay in lagugu daweeyo degmo xarunta dhimirka degmadda oo kale. Waxaad la xidhiidhi kartaa adeega macluumaadka“ Ka dooro meesha daawaynta “wixii su’aalo ah ee ku saabsan adeegyada iyo wakthiyada sugitaanka lambarka telefoonka soo socoda: 800 43 573 (800 HELSE).
> ka hubi celceliska wakhtiga sugitaanka xaruntaada maxaliga ah (Keliya Af Noorwayjiyaan)
Liiska cidda aad la xidhiidhi karta haddii aad caawimo u baahato ama qof aad kala hadasho websaydka helsenorge.no (Keliya Af Noorwayjiyaan)
Liiska dhakhaatiirta takhasuska qandaraska gaarka ah (dhakhtarada cilmi nasfiga/dhimirka)
(Keliya Af Noorwayjiyaan)
takhasusaha qandaraaasyada ee caafimaadka ee koonfurta bari Noorway
takhasusaha qandaraasyada ah ee ku jira caafimaadka galbeed Noorway
takhasusaha qandaraasyada ah ee ku jira caafimaadka dhexe Noorway
takhasusaha qandaraasyada ah ee ku jira caafimaadka waqooyiga Noorway
Raadi dhakhtar cilmi-nafsi ah oo ka tirsan Ururka Cilmi-nafsiga ee Noorway (Keliya Af Noorwayjiyaan)
SANKS – adeega siinaya talada caafimaadka dhimirka dadka Sami (Keliya Af Noorwayjiyaan)