Xarumaha dhibaatooyinka waxay siiyaan meel badbaado ah oo ay ku noolaadaan muddo xadidan, laakin waxay sidoo kale siiyaan adeegyo dadka aan u baahneyn inay halkaas ku noolaadaan. Ku noolaanshaha hoyga dhibaatooyinka iyo helitaanka adeegyada waa bilaash. Waad booqan kartaa xarunta iyada oo aan jirin balan ama gudbinta.
Dhammaan xarumaha waxay raacaan hagida fayraska korona iyo gabi ahaanba waa badbaado in la isticmaalo.
Adeega waxaa ku jiro:
- La talinta
- Ku caawi la xiriirida adeegyada caafimaadka kala duwan iyo taageerada
- Warbixinta ku saabsan xaquuqaha iyo illaha la heli karo
- Tallada iyo hagida (oo ay ku jiraan tallada sharciga)
- Kooxyada la talinta iyo howlaha
- Dabagalka
Waxaad sidoo kale wici kartaa hoyga dhibaatooyinka si tallo loo helo. Waxaad ahaan kartaa qarsoodi, tusaale ahaan, looma baahno inaad bixisid magacaaga markii aad la xiriirtid xarunta. Qaraabooyinka dadka ku dhacday rabshada, caafimaadka bulshada iyo adeegyada taageerada, dugsiyada iyo machadyada kale waxay sidoo kale la xiriiri karaan hoyga dhibaatooyinka si ay u helaan warbixin ku saabsan caawinta la heli karo ama sameynta weydiimada kale.
Xarumaha dhibaatooyinka sidoo kale waxay bixiyaan adeegyada loogu tallogalay dadka aan u baahneyn inay halkaas joogaan
Ka daawo filimkaan wax ku saabsan booqashada hoyga dhibaatooyinka:
Shaqaalaha xarumaha dhibaatooyinkaa waxay qabaan tababarka ku haboon iyo/ama waaya aragnimada la shaqeynta rabashada iyo xadgudubka. Shaqaalaha waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga, taas oo micnaheeda ah inay ugu fasixi karaan warbixintaada shaqsiga ah dhinacyada sadexaad ogolaanshahaaga, ama haddii ay jiraan halis dhow oo in qof la waxyeeleeyo. Isticmaalayaasha kale ee hoyga lama ogola inay kala hadlaan wax walba oo la xiriiro dacwadaada dadka kale. Xarumaha dhibaatooyinka waxay bixin karaan turjubaan markii ay muhiim tahay.
Maamu walboo deegaanka waxaa sharci ahaan looga baahanyahay inay bixiyaan adeega xarunta dhibaatooyinka. Mararka qaar, dhoor maamulada deegeenka ah ayaa si wadajir ah isugu biiro si ay u bixiyaan adeega xarunta dhibaatada. Inta ugu badan ee xarumaha dhibaatada waxaa la waafiyay inay siiyaan isticmaalayaasha dhaqaaq la dhimay, iyo maamulka deegaanka waa inay bixiyaan xalal kale haddii bixin noocaas ah aysan jirin.
Xoghaynta Xarunta Dhibaatooyinka
Xoghaynta Xarunta Dhibaatooyinka waa xubin hay’ad ee loogu tallogalay xarumaha dhibaatooyinka iyo sidoo kale waxay masuul ka tahay maamulida ROSA, oo la shaqeyso dhibanayaasha ka ganacsiga aadanaha ee loo isticmaalay ujeedooyinka dhileysiga. Waxaad wax badan ka aqrin kartaa shaqada Xoghaynta Xarunta Dhibaatooyinka websaydkooda.
Liiska ee dhammaan xarumaha dhibaatooyinka ee Norway (sax sanduuqa ‘krisesenter’ ee hoosta ‘Type tilbud’)