Uma baahnid inaad ku jiraatid xaalad degdega ah si aad ugu jirtid masiibo, oo waxaad u booqan kartaa hoyga si toos ah, iyadoon jirin balan ama gudbin. Maamul walboo deegaanka ah waxaaa looga baahanyahay sharci ahaan inuu bixiyo adeega hoyga masiibada. Badanaa, dhoor maamulada deegaanka ah ayaa ku soo wada biira inay bixiyaan adeega hoyga masiibada. Inta badan hoyga masiibada waxaa loo habeeyay inay u adeegto isticmaalayaasha leh dhaqaaqa hoos u dhacay, iyo maamulka deegaanka waa inay bixiyaan xalalka kale haddii bixin noocaas ah aysan jirin. Adeega waa bilaash.
Hoyga masiibada waxay bixisaa
- meel badqab oo la joogo waqti xadidan
- caawinta la talinta
- ee oo lala xiriirayo adeegyada caafimaadka iyo taageerada
- warbixinta ku saabsan xaquuqaha iyo fursadaha
- tallada iyo hagida (oo ay ku jiraan tallada sharciga)
- kooxaha la talinta iyo howlaha
- dabagalada
Waxaad caawin ka heli kartaa hoyga xittaa haddii aadan halkaas joogin.
Markii aad la xiriireysid hoy, waxaad ahaan kartaa magac la’aan. Tan waxay ka dhigantahay uma baahnid inaad sheegtid qofkaad tahay.
Xirfadlayaasha iyo qaraabada dhinabayaasha rabshada ayaa sidoo kale laga soo dhaweynayaa inay nala soo xiriiraan.
Hoyga masiibada ayaa sidoo kale siiyo adeeg dadka aan u baahneyn inay halkaas ku noolaadaan
Daawo filimkaan ku saabsan booqashada xarunta masiibada:
Yaad kula kulmeysaa hoyga masiibada?
Shaqaalaha hoyga masiibada waxay leeyihiin tababarka quseeyo iyi/ama waaya aragnimada la shaqeynta rabshada iyo xadgudubka. Shaqaalaha waxaa saaran waajibaadka qarsoodiga oo sidaas darteed looma ogola inay la wadaagaan warbixin walba ee adiga kugu saabsan dadka kale illaamaa aad ka ogolaatid midaan ama haddii ay jiraan halis dhow oo qof la waxyeelay ah. Dagayaasha kale ama isticmaalayaasha hoyga ayaa sidoo kale lagu dhiiroheliyo inuusan kala hadlin wax walba ee quseeyo dacwadaada dadka kale.
Hoyga masiibada waxay bixin kartaa turjubaan markii aan laga maarmin.
Xogheynta Hoyga Masiibada
Xoghaynta Hoyga Masiibada waa xubin diyaariyo hoyga masiibada. Xoghaynta ayaa sidoo kale masuul ka ah maareynta ROSA, taasoo la shaqeyso dhibanayaasha ka ganacsiga aadanaha ee looga faa’ideysto dhileysiga. Waxaad ka aqrin kartaa wax badan ee ku saabsan shaqada Xog haynta Masiibada websaydkooda.
Liiska oo dhammaan hoyga masiibada ee ku yaalo Norway (sax sanduuqa oo ‘krisesenter’ hoosta ‘Type tilbud’)