Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Waa maxay xarunta Nok. ama xarunta SMISO?

På Nok.-sentrene og sentrene mot incest og seksuelle overgrep (SMISO) kan du som har vært utsatt for seksuelle overgrep, få støtte til å bearbeide opplevelsene dine

Meesha xarunta Nok. iyo xarumaha loogu tallogalay dhibanayaasha galmada dadkaan isgeynin iyo xadgudubka galmada (SMISO), dadka ku dhacday xadgudubka galmada waxay heli karaan taageero looga shaqeeyo waaya aragnimadooda. Xarumaha ayaa ugu horeyn ah adeega caawinta shaqsiga ee loogu tallogalay dadka weyn ee ku dhacday galmada dadkaan isgeyn, xadgudubka galmada ama kufsiga, sidoo kale sida qaraabada.

Xarumaha waxay bixiyaan adeeg bilaash ah iyo shaqooyinka sida dheeraadka nidaamyada taageerada gobolka maamulo Uma baahnid gudbin si markaas aad xiriir u sameysid.

Dhammaan xarumaha waxay raacaan hagidaha fayraska korona oo gabi ahaan waa badbaado in la isticmaalo.

Adeega waxaa ku jiro:

  • tallada taleefonka
  • la talinta shaqsiga
  • ka qeybqaadashada kooxyada shaqsiga ah
  • noocyada kale ee kooxyada
  • koorsooyinka

Adeegyada way ka duwanaan karaan xarun ku xarun. Xarumaha waxay leeyihiin noocyo kala duwan ee bixin adeega, iyo mararka qaar waxay u ogolaataa isticmaalayaasha inay kala qeybgalaan xarunta oo kulamada la ogeysiiyay isticmaalayaasha kale. Waxaa sidoo kale jiro dooqa isticmaalayaasha ay ku qaadanayaan barnaamijka oo diyaariyo howlaha kala duwan. Xarumaha waxay u furanyihiin xubnaha qoyska kale iyo kuwa kale ee adiga kuu dhow, iyo xarumaha kale waxay bixiyaan adeeg carruurta loogu tallogalay. Xarumaha sidoo kale waxay sameeyaan shaqada ka hortaga, sida warbixinta waxbarashada iyo adeegyada kala duwan.

Ka daawo filimkaan wax ku saabsan booqashada xarunta SMISO:

 

Xarumaha waxaa la kulmi kartaa dadka kale ee la kulmay xadgudubka galmada. Shaqaalaha ka shaqeeyo xarumaha waxay heleen tababarka quseeyo iyo/ama waxay la kulmeen xadgudub laftooda.

Waxaad ahaan kartaa qarsoodi, tusaale ahaan, looma baahno inaad bixisid magacaaga markii aad la xiriirtid xarunta. Shaqaalaha waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga oo waa laga illaaliyaa la wadaagida warbixin walba ee adiga kugu saabsan dadka kale iyada oo aan jirin ogolaanshahaaga hore illaa ay jiraan halis dhow oo in qof la waxyeelo. Isticmaalayaasha kale ee xarunta lama ogola inay kala hadlaan wax walba oo la xiriiro dacwadaada dadka kale. Xarumaha waxay bixin karaan turjubaan markii loo baahdo.

Dhammaan gobolada Noorweeyaanka waxay hadeer leeyihiin ugu yaraan hal Nok. Ama xarunta SMISO. Xarumaha waxay ka helaan maalgelin xarunta iyo dowlada deegaanka.

Qadka caawinta ee loogu tallogalay dhibanayaasha xadgudubka galmada – 800 57 000

Qadka caawinta ee loogu dhibanayaasha xadgudubka galmada waa adeega taleefonka ee carruurta iyo dadka weyn. Waa bilaash oo waxay furantahay 24 saac maalintii. Qaraabada iyo xirfadlayaasha adeegyada caafimaadka iyo taageerada ayaa sidoo kale kala xiriiri kara qadka caawinta oo tallo iyo hagida. Shaqaalaha qadka caawinta waxay ka shaqeeyaan Xarunta galmada dadka aan isgeynin ee Vestfold.

 

Dulmarka xarumaha

Ka raadi xaruntaada dinutvei.no

Wax ka aqri Qadka caawinta loogu tallogalay dhibanayaasha xadgudubka galmada – 800 57 000 oo websaydkooda gaarka ah.

 

Dhoor ka mid ah xarumaha hore ee ka soo horjeedo galmada dadka aan isgeyn iyo weerarka galmada (SMISO) iyo Bulshooyinka Ka soo horjeedo Weerarka Galmada (FMSO) waxay badeleen magacooda ee Nok. ee Nofeembar 2020.