Qadka caawinta taleefonka ee dhibanayaasha galmada wuxuu daboolayaa Norway, iwaa bilaash oo wuxuu furanyahay 24/7. Qaraabada iyo xirfadlayaasha waaxda dowlada waxay sidoo kale ula xiriiri karaan qadka caawinta tallo iyo jaheyn.
Waad heli kartaa caawin, tallo iyo jawaabo ku aadan su’aalaha, ama waad soo wici kartaa haddii aad u baahantahay kaliya qof ku dhageysto. Waxaad sidoo kale heli kartaa caawinta lagu raadinayo adeegyada kale ee u dhow halka aad ku nooshahay.
“Shaqaalaha qadka caawinta waxay ka shaqeeyaan SMISO Vestfold (Xarunta Taageerada ee Dhibanayaasha Dadkaan is geyn iyo Weerarka Galmada)”
Haddii aad doorbidid, waxaad u soo wicii kartaa qadka caawin si qarsdodi ah, oo micnaheeda ah inaan lagaa rabin inaad sheegtid magacaaga, ama qof kale. Shaqaalaha waxay ku hadlaan af Noorweeyaan. Caawinta sidoo kale waxaa lagu heli karaa af Ingiriiis.
Shaqaalaha qadka caawinta waxay ka shaqeeyaan SMISO Vestfold (Xarunta Taageerada ee Dhibanayaasha Dadkaan is geyn iyo Weerarka Galmada) oo waxay ku taqasuseen ka jawaabida dhibanayaasha xadgudubka galmada.
Shaqaalaha waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga, taas oo micnaheeda ah inay ugu fasixi karaan warbixintaada shaqsiga ah dhinacyada sadexaad ogolaanshahaaga, ama haddii ay jiraan halista nolosha ama adinka.
Qadkaan caawinta waxaa maamulo SMISO Vestfold sida waafaqsan Agaasinka Norwegian ee Arimaha Carruurta, Dhalinyarada iyo Qoyska.
Warbixinta xiriirka
Taleefonka qadka caawinta 800 57 000