Dhammaan caawinta laga heli karo xarunta weerarka gabi ahaanba waa iqtiyaar oo waxaad doorataa qeybaha adeegyada la isticmaalo. Waad heli kartaa caawin xittaa haddii weerarka uu dhaco waqti ka hor oo aad xor u tahay inaad qof la imaatid markii aad ka qeybgaleysid xarunta weerarka.
Adeegyada waxay ka koobanyihiin:
- La talinta agagaarka badqabka
- Baaritaanka caafimaadka si markaas loo ogaado, loo daaweeyo oo looga hortago dhaawacyada iyo caabuqa
- baaritaanka uurka
- Baaritaanka dambiga ee lagu illaalinayo caweynta dabiiciga
- ku caawinta la xiriirka booliska
- Waad heli kartaa caawin xittaa haddii weerarka uu dhaco muddo ka hor.
- ku caawinta la xiriirida qareen (bilaash ah) iyada oo aan laga eegin haddii weerarka lagu wargeliyay booliska
- warbixin ku saabsan adeegyada dabagalka, hoyga masiibooyijka iyo meelaha kale ee caawinta laga helo
Halkaan waa filim ku saabsan ka qeybgalka xarunta weerarka:
Shaqaalaha ka shaqeynayo xarumaha weerarka waxaa ku jiro dhaqtar, kaaliso iyo shaqaalaha bulshada. Shaqaalaha waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga, taas oo micnaheeda ah inay ugu fasixi karaan warbixintaada shaqsiga ah dhinacyada sadexaad ogolaanshahaaga, ama haddii ay jiraan halis dhow oo in qof la waxyeeleeyo. Xarumaha weerarka waxay bixin karaan turjubaan markii loo baahanyahay.
Xarumaha weerarka waxa la xiriiraan shilalka iyo waaxyada arimaha degdega ama isbitaalada oo waxay qeyb ka yihiin adeegyada caafimaadka dadweynaha. Dhaqtarkaaga guud, martiga caafimaadka ama dadka kale waxay kugu caawin karaan inaad xiriiir sameysid.
Halkaan waxaad ka heli kartaa dulmarka xarumaha weerarka ee laga helo Norway (xulo ‘overgrepsmottak’ sida waafaqsan ciaanka hore ee ‘Type tilbud’)
Buug-yaraha wata warbixinta ku saabsan xarumaha weerarka
Waaxda shilka iyo arimaha degdega
Way kugu adagtahay inaad tagtid xarunta weerarka kuu dhow (tusaale ahaan, sababtoo ah xaaladaha cimilada daran ama baaxada dheer), waxaad la xiriiri kartaa waaxda shilka iyo arimaha degdega. Shilka iyo waaxda arimaha degdega ayaa ku caawinayo adiga. Shilalka qaar iyo waaxyada arimaha degdega waxay sidoo kale sameyn karaan baaritaanada dambiga si loo dhowro cadeynta. Soo wac 116 117 wixii warbixin ah ee ku saabsan waaxdaada shilka iyo arimaha degdega kuu dhow.