Adeega wuxuu daboolaa dhammaan Norway, waa bilaash oo wuxuu furanyahay 24/7. Waxaad u soo wici kartaa lambarka caawin, tallo iyo jawaabaha ku aadan su’aalaha, laakin waxaad sidoo kale u soo wici kartaa haddii aad u baahantahay dhagta maqalka aad ku hadashid. Waxaad sidoo kale heli kartaa caawinta lagu raadinayo adeegyada kale ee u dhow halka aad ku nooshahay.
Shaqaalaha qadka caawinta waxay si xirfadeysan ula macaamilaan dhibaatooyinka rabshada iyo xadgudubka oo maalinle ah oo waxay ku taqasuseen la talinta dhibanayaasha rabshada iyo xadgudubka. Shaqaalaha waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga, taas oo micnaheeda ah inay ugu fasixi karaan warbixintaada shaqsiga ah dhinacyada sadexaad ogolaanshahaaga, ama haddii ay jiraan halista nolosha ama adinka.
“Shaqaalaha qadka caawinta waxay ula macaamilaan si xirfadeysan dhibaatooyinka rabshada iyo xadgudubka oo maalinle ah”
Haddii aad doorbidid, waxaad u soo wicii kartaa qadka caawin si qarsdodi ah, oo micnaheeda ah inaan lagaa rabin inaad sheegtid magacaaga, ama qof kale. Shaqaalaha waxay ku hadlaan af Noorweeyaan. Caawinta sidoo kale waxaa lagu heli karaa af Ingiriiis.
Qadka caawinta sidoo kale wuxuu u adeegaa xirfadlayaasha waaxda dowlada, iyo qoyska, saaxibada ama asxaabta dhibanayaasha.
Qadka caawinta Rabshada Qoyska Qaranka waxaa maamulo Xoghaynta Dhaqdhaqaaqa Hoyga iyo Hoyga Masiibada Oslo, oo waxaa maalgeliyo Wasaarada Cadaalada iyo Amniga Dadweynaha.
Warbixinta xiriirka
Qadka caawinta 116 006
Websaydka qadka caawinta-VO (Qadka caawinta Rabshada Qoyska Qaranka)