Adeega ATV waxaa horaantii loogu tallogalay kuwa sameeyo rabshada iyo xadgudubka. Qaar ka mid ah xafiisyada ATV sidoo kale waxay siiyaan adeegyo dhibanayaasha rabshada iyo carruurta kula nool rabshad qoyska. Adeegyada waxaa ku jiro wada sheekeysiga shaqsiga iyo xalinta kooxda.
Dhammaan xafiisyada waxay raacaan hagidaha fayraska korona oo gabi ahaan waa badbaado in la isticmaalo.
Haddii aad jeclaan laheyd inaad heshid daaweyn, waxaad weydiin kartaa GP-gaaga ama xirfadle kale ee kuu gudbinayo, ama waxaad la xiriiri kartaa ATV nafsadaada. Haddii ATV aysan u suurtogaleyn inay ku siiyaan caawinta aad u baahantahay, waxaa laguu gudbin karaa wakaalad kale.
Daawo fiidiyahaan ku saabsan la xiriirida ATV:
Inta badan daaweeyayaasha ATV waa cilmi nafsiilayaal. Shaqaalaha waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga oo waa laga illaaliyaa la wadaagida warbixin walba ee adiga kugu saabsan dadka kale iyada oo aan jirin ogolaanshahaaga hore illaa ay jiraan halis dhow oo in qof la waxyeelo. Turjubaanka waa la bixin karaa markii ay muhiim tahay.
Inta badan xafiisyada waxay u baahanyihiin lacag bixinta adeega, laakin qaarkood waa bilaash.
Liiska adeegyada ATV ee gudaha Norway.
ATV waa urur, helayo maalgelinta dowlada ee ka imaaneyso dowladaha dhexe iyo deegaanka, sidoo kale sida ka imaato deeqaha iyo illaha kale.
Xiriirka
Websaydka ATVs: http://atv-stiftelsen.no/
I-meelka: post@atv-stiftelsen.no