Adeegu waa mid qaran oo waxaa loogu talo galay dhanka dembiilayaasha dagaalka ee ka wayn 18 sano jirka. Qaabka hawsha waxaa muhiim ahaan loo isticmalaa daawaynta kooxda ah, in kastoo shakhsi ahaan loo isticmaali karo. Waxaad baran kartaa farsamooyin lagu xakameeyo dhaqankaaga dagaalka ah oo looga shaqeeyo beddelka mowqifkaaga.
Moodeelkan waa qayb ka mid ah qorshaha tallaabada ee dowladda ee dagaalka qaraabada dhow ah oo waxaa lagu horumariyay Broset Competence Centre ee xaga Cusbitaalka Olav.
Daaweeyayaasha isticmaala qaabka inta badan waxay ka shaqeeyaan caafimaadka dhimirka, at Xafiisyada la talinta qoyska ama gudaha Adeega Daryeelka Carruurta. Waxaa jira wadarta 400 oo dhakhaatiirta maaraynta cadhada ah kuna salaysan qaab qaran (2016). Shaqaalahu waxay leeyihiin waajibka qarsoodiga oo sidaas awgeed looma oggola inay la wadaagaan wax macluumaad ah oo adiga kugu saabsan kuwa kale oggolaanshahaaga la’aanteed, ama haddii ay jirto halis nolosha iyo caafimaadka ah. Turjubaan ayaa la bixin karaa, marka loo baahdo.
Waxaad la xidhiidhi kartaa Dhakhtarkaaga gaarka ama xafiiska la talinta qoyska wixii macluumaad dheeraada ah ee ku saabsan adeega.
Macluumaadka ku saasbsan moodeelka Brøset iyo xarumaha daawaynta la ansixiyay (Keliya Af Noorwayjiyaan)