Miyaa laguu geystay rabshad, kufsi ama qaabab kale oo weerarka galmada oo ma u baahantahay inaad ka shaqeysid waxaad la kulantay? Degmooyinkoo dhan waxay leeyihiin adeeg bixinta daryeelka caafimaadka damiirka
Daryeelka caafimaadka damiirka

Miyaa laguu geystay rabshad, kufsi ama qaabab kale oo weerarka galmada oo ma u baahantahay inaad ka shaqeysid waxaad la kulantay? Degmooyinkoo dhan waxay leeyihiin adeeg bixinta daryeelka caafimaadka damiirka
Miyaad ku jirtaa xaalad nolol adag? Kadib waxaad ka soo wici kartaa lambarka bilaashka ah ee Qadka caawinta 116 123.
Miyaa la kulmeysaa dhibaatooyinka lamaane rabshoole ah, miyaad la kulantay xadgudub, ama aad la kulmeysaa nooc walba oo rabshada qoyska ah? Miyaad isku dayaysaa inaad ka heshiisid waaya aragnimada dhacday waqti ka hor? Ama ma ka cabsaneysaa in laguugu qasbo guur? Malaha waxaad tahay qaraabo qof la kulmayo rabshad ama xadgudub?
Ma tahay canug kula kulmayo dhibaatooyin guriga, ama ma tahay qof weyn oo ka walaacsan wax ku saabsan carruurta iyo qofka da’da yar? Adeega Daryeelka Carruurta waxay siiyaan carruurta, dhalinyarada, iyo qoysaska caawin iyo taageero markii aad la kulmeysid dhibaatooyinka guriga markii canuga uusan heleynin daryeelka u baahanyahay ama u baahanyahay caawinta sababaha kale.
Qadka caawinta VO – Qadka caawinta Rabshada Qoyska Qaranka Norway iyo xadgudubka galmada 116 006 – waxay u furantahay qof walba ee ay saameyso rabshada qoyska ama xadgudubka.
Miyuu qof ka tirsan qoyskaaga rabaa inuu go’aansado cida ah inaad guursatid? Maka cabsaneysaa in laguugula kaco gudniinka xubinta dumarka? Qadka caawinta Laanqeerta Cas ee guurka qasabka ah iyo gudniinka xubinta dumarka waxay ku siin karaa tallo ku saabsan sida looga soo kabsado xaalado noocaas ah.
Ma lagu weeraray, ama ma la kullantay dagaalan guriga ah? Rugta caafimaadka carruurta iyo adeega caafimaadka dugsigu waa bilaash iyo adeeg bilaash ah ee carruurta iyo qof dhalin yaro ah laga bilaablo 0 ilaa 20 sano jir, siiba waalidka ama filaya inay carruur dhalaan, oo waxay noqon kartaa meel wanaagsan in laga hadlo arrimahan.