Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Waa Xarunta Illaha Kaniisada ee ku aadan Rabshada iyo Xadgudubka Ggalmada? Waa maxay Adam?

Et kirkespir illustrerer at kirken har et tilbud til de som har opplevd seksuelle krenkelser, overgrep, vold eller voldtekt.

Miyaad la kulantay rabshada lamaane kuu dhow oo wiil saaxib ama miyuu saaxib ku kufsaday – malaha qof bulshadaada ah? Xarunta Illaha Kaniisada ee ku aadan ururka Rabshada iyo Xadgudubka Galmada (Kirkelig Ressurssenter mot vold og seksuelle overgrep) wuxuu caawiyaa labadaba dumarka iyo ragga, oo siiyaa koorsooyin tababar oo xirfadlayaasha iyo shaqaalaha kaniisada.

Xarunta Illaha Kaniisada waxay ku caawisaa dumarka iyo ragga weyn ee la kulmay xadgudub iyo dhibaateyn. Xarunta Illaha kaniisada waxay bixisaa xaqiijinta la talinta si markaas loo sheego waaya aragnimooyinka rabshada qoyska, xadgudubka iyo dhibaateynta oo dhinaca kulamada shaqsiga, kulamada kooxda iyo adeegyada kaniisada, iyo shabakada taageerada qaranka.

Xarunta sidoo kale waxay bixisaa waxbarasho, tallo iyo caawin oo lagula macaamilayo dacwadaha xadgudubka, oo looga qeybgalayo la talinta si looga dhigo goobaha kaniisada inay si wanaagsan ugu diyaarsanyihiin sheegida iyo ka jawaabida dhammaan noocyo walba oo rabshada iyo xadgudubka. Diirada gaarka ah ee ururka waa ka hortaga rabshada iyo dhibaateynta.

Shaqaalaha waxay ku hadlaan af Noorweeyaan. Caawinta sidoo kale waxaa lagu heli karaa af Ingiriiis. Diyaarinada waa loo sameyn karaa turjubaanka.

ADAM – adeega ragga oo galmo ahaan loo weeraray

ADAM waa xiriirka iyo adeega taageerada kaniisada ku saleysan ee loogu tallogalay dhibanayasha ragga ee xadgudubka galmada ee carruurnimada, qaangaarka iyo qaangaarnimada weyn. ADAM waxay leedahay taqasus gaar ah ee xadgudubka oo marxaaladaha Kirishtaanka, laakin adeegyadeeda haddii kale waxay u furanyihiin qof walba. Adeega waxaa bixiyo xirfadlayaasha ragga oo leh waxbarashada quseyso oo ka kooban la talinta taleefonka, la talinta shaqsiga, la talinta kooxda iyo howlaha kale, oo ay la jiraan tallada iyo warbixinta la xiriirto xadgudubka galmada.

Shaqaalaha waxay ku hadlaan af Noorweeyaan. Caawinta sidoo kale waxaa lagu heli karaa af Ingiriiis. Diyaarinada waa loo sameyn karaa turjubaanka.

Warbixinta xiriirka

Adam waxay ku taalaa Lovisenberggata 15A in Oslo, laakin qabataa wacitaanada Norway oo dhan.

Taleefonka qadka caawinta 23 22 79 30 / 47 46 46 15

Websaydka Xarunta Illaha Kaniisada ee ku aadan Rabshada iyo Xadgudubka Ggalmada

Ku saabsan ADAM