Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Daryeelka caafimaadka damiirka

to kvinner sitter sammen og snakker

Miyaa laguu geystay rabshad, kufsi ama qaabab kale oo weerarka galmada oo ma u baahantahay inaad ka shaqeysid waxaad la kulantay? Degmooyinkoo dhan waxay leeyihiin adeeg bixinta daryeelka caafimaadka damiirka

Waxaa jiro qaabab badan oo looga falceliyo rabshada iyo weerarka galmada kadib. Dadka qaar waxay u baahanayaan caawin xirfadle. Bixinta daryeelka caafimaadka damiirka way kala duwantahay degmo ku degmo. Waxaad u raadin kartaa ama aad u la xiriiri kartaa adeegyada qaar si madax banaan, iyadoo kuwa kale u baahanyihiin inaad haysatid gudbin.

Adeegyada aanan u baahneyn gudbin

Adeegyada u baahan gudbin

GP-gaaga ama dhaqtarka ilkaha waxay ku qiimeeyn karaan iyagoo adiga kula tashanayo haddii aad u baahantahay caawin la gaareeyay. Waxay kuu gudbin karaan cilmi nafsiilaha ama dhaqtarka damiirka haddii tan loo baahanyahay.  Weydii qofka kuu soo gudbiyo codsashada daaweeyaha iyo aqoonta rabshada iyo naxdinta.

Rugaha caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada iyo dhaqtarka damiirka/cilmi nafsiilaha leh qandaraasyada shaqada

Rugaha caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada waxaa laga helaa wadankoo dhan oo waxay ka qeyb tahay adeega daryeelka caafimaadka taqasuska. Cilmi nafsiilaha gaarka ah iyo dhaqtarka damiirka ee leh qandaraasyada shaqada (taqasusyada qandaraaska) ayaa sidoo kale ka qeyb ah adeega daryeelka caafimaadka taqasuska. Si markaas looga helo daaweyn rugaha caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada ama taqasuska qandaraaska, waa inaad haysataa gudbin. Haddii aad u baahantahay daryeelka caafimaadka damiirka degdega ah, waxaad sidoo kale toos ula xiriiri kartaa rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka. Daaweynta waxaa lagu bixiyaa qaabka xaalada xasilinta iyo la talinta shaqsiga.

Weydii qofka kuu soo gudbiyo codsashada daaweeyaha iyo aqoonta rabshada iyo naxdinta

 

SANKS waa adeeg gooni ah oo siiyo daryeelka caafimaadka damiirka dadyowga Sami

Daawo muuqaalka ku saabsan waxa aad kala kulmeysid markii aad booqaneysid rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada:

 

Shaqaalaha waxaa saaran waajibaadka qarsoodiga oo sidaas darteed looma ogola inay la wadaagaan warbixin walba ee adiga kugu saabsan dadka kale illaamaa aad ka ogolaatid midaan ama haddii ay jiraan halis dhow oo qof la waxyeelay ah. Turjubaan ayaa la bixin karaa markii aan laga maarmin. Markii aad booqaneysid rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada ama taqasusyada qandaraaska, waa inaad siisaa qidmada isticmaalaha caadiga ah oo illaa daryeelka caafimaadka xadka kaarka ka dhaafida. Rugaha caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmadee ayaad ka mid tahay oo waxay ku tiirsantahay meesha aad ku nooshahay iyo waxa isbitaalka deegaankaaga uu yahay. GP-gaaga waxay bixin karaan hagid.

Wadada bukaanka iyo saacadaha sugitaanka

Markii laguu gudbiyo rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada, tan waxay bilowdaa waxa loo yaqaan sida wadada bukaanka. Wadada bukaanka waxay hubisaa in lagu siiyo daaweyn dhameystiran oo la qiyaasi karo iyadoon jirin waqtiga sugitaanka aan muhiimka aheyn. Qodobka ayaa ah tagitaanka midaan waa mida inaad tahay taqasus markii ay timaado noloshaada gaarka ah. Tan ayaa ka dhigan waa inaad ku yeelataa saameyn badan daaweyntaada.

Wax badan ka aqri wax ku saabsan wadada bukaanka ee helsenorge.no

Waqtiga sugitaanka ee daaweynta rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada way ka duwantahay waxay ku xirantahay meesha aad ka joogtid wadanka. Haddii rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmadaada aysan ku siin karin adeeg fiican oo kugu fillan, waxaa jiro iqtiyaar laguugu daaweeyo rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degma kale. Waxaad la xiriiri kartaa adeega warbixinta “Dooro meesha daaweynta” wixii su’aalo ah ee la xiriiro adeegyada iyo waqtiyada sugitaanka ee lambarka taleefonka xigga: 800 43 573 (800 HELSE).

Fiiri isku celcelis waqtiga sugitaanka ee rugta caafimaadka deegaankaaga (kaliya reer Norway)

 

Liisaska oo meesha aad ka heli kartid caawin

Liiska cida aad la xiriiri kartid haddii aad u baahantahay caawin ama qof aad kala hadashid websaydka helsenorge.no

Shirkad walboo caafimaad waxay bixisaa liisaska cilmi nafsiilayaasha iyo dhaqaatiirta damiirka oo helitaanka kaalmooyinka howlgalka (taqasusyada qandaraaska):

Ka raadi cilminafsiilaha websaydka Ururka Cilmi nafsiga reer Norway.

 

Qoraalka waxaa qoray guddiga tafaftirka dinutvei.no.

Illaha:

helsenorge.no
Xarunta illaha ee Caafimaadka Damiirka Bulshada ee reer Norway (NAPHA)
Maktabada Caafimaadka Elelkatrooniga Norway
Agaasinka Caafimaadka Norway
websaydyada degmooyinka kala duwan