Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Waa maxay qadka caawinta Red Cross ee guurka qasabka ah iyo gudniinka dumarka fircooniga ah?

Røde Kors-telefonen om tvangsekteskap, kjønnslemlestelse og negativ sosial kontroll

Miyuu jiraa qof qoyskiina ku jiro ee rabaa inuu go’aansado cida ah inaad guursatid? Maka baqeysaa inay kugu dhacdo gudniinka dumarka fircooniga? Qadka caawinta Red Cross ee guurka qasabka ah iyo gudniinka dumarka fircooniga ah wuxuu ku siin karaa tallo oo sida looga soo kabsado xaalado noocaas ah.

Qadka caawinta Red Cross waxay ka talisay qaabab kala duwan ee sharafta-la xiriito rabshada sida:

  • cadaadiska la xiriiro gelida guur
  • xakameynta xoogan ee kuwa adiga kuu dhow
  • cabsida in dibada lagaaga tago ee ka soo horjeedo rabitaankaaga
  • gudniinka dumarka fircooniga oo horay loo sameeyay, ama halka ay ka jirto halista in midaan ay dhacdo
  • qilaafyada qoyska

Daawo filimka ku saabsan qadka caawinta Red Cross:

 

Qadka caawinta Red Cross sidoo kale waxay siisa warbixin iyo tallo:

  • dadka rabo inay caawiyaan saaxibada ama asxaabta
  • waaladiinta caqabad u arka inay ku koriyaan carruurta dhaqan cusub
  • shaqaalaha adeegyada caafimaadka iyo taageerada ama kuwa kale ee la kulma dadka la kulmayo rabshada sharafta la xiriirto ee shaqadooda

Shaqaalaha maamulo qadka caawinta Red Cross waxay kugu caawin karaan inaad la xiriirtid adeegyada taageerada kale.

Waxaad ahaan kartaa qarsoodi, tusaale ahaan, looma baahno inaad bixisid magacaaga. Shaqaalaha ee ragga qadka caawinta Red Cross waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga, taas oo micnaheeda ah inaysan siineyn warbixintaada adiga kugu saabsan dadka kale iyada oo aan jirin ogolaanshahaaga.

Waxaad sidoo kale ku soo diri kartaa i-meel info.tvangsekteskap@redcross.no, ama aad kula xiriirtid dhinaca Facebook.

Xiriirka

Teleefonka: 815 55 201

I-meelka: info.tvangsekteskap@redcross.no

Qadka caawinta Red Cross ee guurka qasabka ah, gudniinka dumarka fircooniga ah iyo xakameynta xun ee bulshada.