Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Kala hadal GP (Dhaqtarkaaga Guud) wax ku saabsan rabashada iyo xadgudubka

Snakk med fastlegen om vold og overgrep. For utsatt, utøver og pårørende

Miyaa la kulmeysaa dhibaatooyinka lamaane rabshoole ah, miyaad la kulantay xadgudub, ama aad la kulmeysaa nooc walba oo rabshada qoyska ah? Miyaad isku dayaysaa inaad ka heshiisid waaya aragnimada dhacday waqti ka hor? Ama ma ka cabsaneysaa in laguugu qasbo guur? Malaha waxaad tahay qaraabo qof la kulmayo rabshad ama xadgudub?

GP wuxuu noqon karaa dhageyste wanaagsan oo wuxuu ku taqasusay la macaamilida dadka dhibaatooyinka qabo. GP-yada waxay shaqadooda tahay ku caawinta bukaanada qabo jirooyinka jir ahaanta ama muuqaalka, sidoo kale sida caafimaadka maskaxda iyo arimaha xadgudubka alkulada/maandooriyaha. Tani waxaa loola jeedaa in GP-gaaga masuul ka yahay dhammaan qeybaha caafimaadkaaga iyo fayo qabka marwalboo lagu baaro, lagu daaweeyo ama lagu dabagalayo. GP-ga inta badan wuxuu leeyahay aragti wanaagsan ee caafimaadka bukaanka iyo xaalada nolosha.

GP-gaaga wuxuu noqon karaa dhageyste wanaagsan oo wuxuu la kulmay la macaamilida dadka dhibaatooyinka qabo

 

GP-gaaga wuxuu leeyahay waajibaadka qarsoodiga iyo sidaas darteed looma ogola inuu la wadaago dadka kale warbixin walba ee adiga kugu saabsan iyo dadka kale iyada oo aan jirin ogolaanshahaaga, ama haddii ay jiraan halis dhow oo qof la waxyeelo. GP-gaaga wuxuu ku siin karaa turjubaan markii ay muhiim tahay.

GP-gaaga wuxuu kuu gudbin karaa taqasuska adeegyada caafimaadka haddii ay muhiim tahay, ama ku ogeysiiyo wakaaladaha bixiyo caawin oo aadan u baahneyn gudbin – sida xarunta dhibaatooyinka, xafiisyada daryeelka qoyska iwm. GP-gaaga ayaa masuul ka ah xiriirinta, qiimeynta iyo dabagalka markii aad ka heshid caawin taqasuska adeegyada caafimaadka ama noocyada kale ee adeega.

Qorshaha dhaqtarka guud wuxuu ka qeyb yahay adeega caafimaadka dadweynaha oo waxaad bixineysaa kaliya qaanuunka, tabarucaad yar oo qarashka ah.

Meesha helsenorge.no waxaad ka heli kartaa warbixin badan oo ku saabsan GP-gaaga.