Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Kala hadal xafiiska daryeelka qoyska wax ku saabsan rabshada iyo xad gudubka

En mann og en kvinne sitter på hver sin sofa og snakker sammen

Miyay jiraan muran badan iyo carqalad guriga ah? Ma leedahay lamaane rabshoole ah ama miyay kugu dhacday xadgudub? Miyaad la kulantay rabshad u dhaxeyso waaladiintaada? Haddii ay sidaas tahay, waxaad caawin ka raadin kartaa xafiiska daryeelka qoyska.

Xafiisyada daryeelka qoyska waxay siiyaan caawin bilaash ah iyo hagid lamaanaha iyo qoysaska la kulmayo dhibaatooyinka, qilaafyada ama masiibooyinka. Xafiisyada daryeelka qoyska waxay bixin karaan caawinta xanaaqa iyo arimaha rabshada. Xafiisyada qaarkood adeegyada qaarkood ee dadka ay ku dhacday rabashada iyo/ama dambiilayaasha rabshada.

Waxaad la xiriiri kartaa xafiiska daryeelka qoyska kuugu dhow si aad balan uga sameysatid ama aad u heshid warbixin ku saabsan sida ay kuu caawin karaan.

Adeegyada laga bixiyo xafiisyada daryeelka qoyska way ka duwanyihiin oo waxaa ku jiri karo

  • xalinta lamaanayaasha, xalinta qoyska
  • koorsooyinka maareynta xanaaqa iyo hagida maareynta xanaaqa ee loogu tallogalay waaladiinta
  • dhexdhaxaadinta haddii ay dhacdo kala taga iyo laka go’a xiriirada, ku caawiyo waaladiinta iskaashiga iyo xaquuqaha booqashada
  • la talinta waalidnimada iyo barnaamijyada taageerada xiriirada kale duwan

Daawo filimka ku saabsan xafiiska daryeelka qoyska:

 

Shaqaalaha xafiisyada daryeelka qoyska waxaa ku jiro cilmi nafsiilayaal, sidoo kale sida aqoonyahano iyo shaqaalaha bulshada oo ku taqasusay xalinta qoyska. Shaqaalaha waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga oo sidaas darteed waa laga illaaliyaa la wadaagida warbixin walba ee adiga kugu saabsan dadka kale iyada oo aan jirin ogolaanshahaaga hore illaa ay jiraan halis dhow oo in qof la waxyeelo. Haddii xafiisyada daryeelka qoyska aysan u suurtogaleyn inay bixiyaan caawinta aad u baahantahay, waxaa laguu gudbin karaa wakaalad kale. Xafiisyada daryeelka qoyska waxay bixin karaan turjubaan markii ay mihiim tahay.

Inta badan xafiisyada daryeelka qoyska waxaa maamulo gobolka oo waxay qeyb ka yihiin Xafiisyada Goboleedka ee Carruurta, Arimaha Dhalinyarada iyo Qoyska (Bufetat). Xafiisyada daryeelka qoyska kale waxaa iskaleh ururada kaniisada oo waxay la leeyihiin heshiisyada howlgalka Bufetat. Adeegyada waxaa lagu bixiyaa iyada oo aan laga eegin aaminaada isticmaalaha iyo diinta.

 

Raadi adeega daryeelka qoyska deegaankaaga (sax ‘familievern’ ee hoosta ‘type tilbud’).

Liiska websaydyada xafiisyada daryeelka qoyska ee Agaasinta Noorweeyaanka ee Carruurta, Arimaha Dhalinyarada iyo Qoyska.