Miyaa laguu geystay rabshad, kufsi ama qaabab kale oo weerarka galmada oo ma u baahantahay inaad ka shaqeysid waxaad la kulantay? Degmooyinkoo dhan waxay leeyihiin adeeg bixinta daryeelka caafimaadka damiirka
Daryeelka caafimaadka damiirka

Miyaa laguu geystay rabshad, kufsi ama qaabab kale oo weerarka galmada oo ma u baahantahay inaad ka shaqeysid waxaad la kulantay? Degmooyinkoo dhan waxay leeyihiin adeeg bixinta daryeelka caafimaadka damiirka
Miyaad ku jirtaa xaalad nolol adag? Kadib waxaad ka soo wici kartaa lambarka bilaashka ah ee Qadka caawinta 116 123.
Waxay noqon kartaa buux dhaaf in caawin la raadiyo sida ay sababtay rabshada iyo xadgudubka galmada. Halkaan waa dhoor soo jeedino oo meesha aad ka bilaabi kartid adoo raadinayo caawin.
Miyaa la kulmeysaa dhibaatooyinka lamaane rabshoole ah, miyaad la kulantay xadgudub, ama aad la kulmeysaa nooc walba oo rabshada qoyska ah? Miyaad isku dayaysaa inaad ka heshiisid waaya aragnimada dhacday waqti ka hor? Ama ma ka cabsaneysaa in laguugu qasbo guur? Malaha waxaad tahay qaraabo qof la kulmayo rabshad ama xadgudub?
Ma jiraan dood badan iyo carqalada guriga? Ma leedahay jaal rabshad ama miyaad lagula kacag xad gudubka galmo? Miyaad la kulantay rabshad u dhaxeyso waaladiintaada? Haddii ay sidaas tahay, waxaad ka raadin kartaa caawin xafiiska daryeelka qoyska.
Ma tahay dhibanaha rabshada ama xadgudubka? Qadka caawinta wuxuu ka qabtaa wacitaanada ragga la dhibaatoonayo rabshada.
Miyaad aheyd dhibanaha kufsiga ama weerarka kale ee galmada? Waxaad ka heli kartaa qofaad la hadashid oo aad ka heshid caawinta caafimaadka ee xarunta weerarka. Uma baahnid gudbinta ka imaaneyso dhaqtarka ama qof kale oo waxaad heleysaa caawin iyadoon laga eegin haddii aad rabtid ama aadan rabin inaad u soo sheegtid weerarka booliska. Adeegyada waa bilaash iyo xarumaha waxay furanyihiin 24 saacadood maalinkii.
Ma lagu weeraray, ama ma la kullantay dagaalan guriga ah? Rugta caafimaadka carruurta iyo adeega caafimaadka dugsigu waa bilaash iyo adeeg bilaash ah ee carruurta iyo qof dhalin yaro ah laga bilaablo 0 ilaa 20 sano jir, siiba waalidka ama filaya inay carruur dhalaan, oo waxay noqon kartaa meel wanaagsan in laga hadlo arrimahan.