Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Waa maxay xarumaha la talinta ee qaraabada (Veiledningssenter for pårørende)?

veiledningssenter pårørende

Ahaanshaha qaraabada qof la dhibaatoonayo xadgudubka maandooriyaha ama jirada maskaxda waxay noqon kartaa caqabad oo ay saameysaa nolosho maalin walba. Rajo beelida, walwalka, cabsida, ceebta, iyo amni la’aanta waxay noqon kartaa kaliya arimaha saameynayo qofka xaaladaan ku jiro. Xarunta La talinta waxay siisaa qaraabada da’ walba ah fursada lagu hadlo.

Ururuka Caafimaadka Dumarka Dadweynaha Norwegian (N.K.S.) Xarunta la talinta waa adeeg xirfadle oo si fudud ay u heli karaan qaraabada ee dadka qabo jirooyinka maskaxda, ku tiirsanaanta daroogada/alkulada, iyo kuwa leh xubnaha qoyska ee xabsiga ku jiro.

Xarumaha la talinta waxay bixin karaan:

  • wada sheekeysiga macaamiisha shaqsiga, lamaanaha ama qoysaska, midkood dhinaca taleefonka ama qof ahaan
  • u dabagelida carruurta iyo qaangaarka si shaqsi ahaan ama kooxyo ahaan
  • barida, koorsooyinka ee sida loo maareeyo xaaladaha nolosha caqabada ah, qudbadaha iwm.
  • la shaqeynta wadajirka ah ee adeegyo badan oo taageero ah.

Shaqaalaha xarumaha La talinta way u qalmaan inay ku bixiyaan la talin dhinaca xirfadlaha iyo tababarka ku haboon, oo waxaa ku waajib ah qarsoodiga.

Qarsoodiga qaraabada la soo xiriiro xarunta waa la hubiyaa sababtoo ah ma jiro diiwaan laga hayo xiriir noocaas ah.

Xarumaha goboleedka waxay siiyaan adeegyo kala duwan qaraabada dhibanayaasha rabshada qoyska halka dhIbaatooyinka alkulada iyo daroogada ay ka qeyb tahay dhibaatada.

 

Websaydka xarumaha la talinta loogu tallogalay qaraabada