Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Waa maxay Xarunta Illaha DIXI ee dhibanayaasha kufsiga?

DIXI Ressurssenter mot voldtekt er et gratis tilbud til kvinner og menn som har opplevd voldtekt og seksuelle overgrep

Ma aheyd dhibanayaasha kufsiga? Malaha waad garaneysaa cida aheyd dhibanaha kufsiga?

Xarunta Illaha DIXI ee dhibanayaasha kufsiga waa adeeg bilaash ah ee dumarka iyo ragga ahaa dhibanayaasha kufsiga, sidoo kale sida qaraabadooda. Xarunta ma bixiso daaweynta laakin ku caawisaa dadka inay is caawiyaan. Tani waxay la micna tahay sawirista illahooda gaarka ah, qaadida masuuliyada noloshooda iyo u dhaqaaqida horida oo jiho wanaagsan. DIXI waxay xoojisaa adeegyada xalinta ee ay bixiyaan nidaamyada taageerada gobolka maamulo.

DIXI waxay bixisaa:

  • kulamada xalinta shaqsiga ee dhibanayaasha kufsiga iyo qaraabadooda
  • kooxyada la talinta ee dhibanayaasha kufsiga iyo qaraabadooda
  • gargaarka sharciga bilaashka ah
  • la talinta taleefonka iyo hagida dhinaca i-meelka iyo SMS
  • ku caawiyaa la xiriirida adeegyada caafimaadka iyo taageerada
  • mowduuca maqribyada, qudbadaha iyo warbixinta ku aadan adeegyada caafimaadka iyo taageerada iyo kuwa kale ee laga yaabo inay xiiseeyaan

Waxaad ahaan kartaa qarsoodi, tusaale ahaan, looma baahno inaad bixisid magacaaga markii aad la xiriirtid xarunta. Shaqaalaha waxay leeyihiin leeyahay waajibaadka qarsoodiga iyo sidaas darteed looma ogola inuu la wadaago dadka kale warbixin walba ee adiga kugu saabsan iyada oo aan jirin ogolaanshahaaga, ama haddii ay jiraan halis dhow oo qof la waxyeelo. Isticmaalayaasha kale ee xarunta lama ogola inay kala hadlaan wax walba oo la xiriiro dacwadaada dadka kale. Xarunta waxay bixin kartaa turjubaan markii loo baahdo.

Shaqaalaha ka shaqeeyo DIXI waa xiradle tababaran ee leh waaya aragnimo balaaran ee goobta. Qaarkood laga yaabo inay ahaayeen dhibanayaasha kufsiga nafsadooda.

DIXI waa urur oo ka helo maalgelin xarunta iyo dowlada deegaanka.

Xiriirka

Qadka caawinta taleefonka 22 44 40 50 / 930 58 070

Websaydka DIXI: http://www.dixi.no/

I-meelka: dixi@dixioslo.no