Maxay xafiisyada qoyska sameeyaan?
Xafiisyada daryeelka qoyska waxay siiyaan caawin iyo hagid bilaash ah lamaanaha iyo qoysaska la kulmayo dhibaatooyinka, qilaafyada ama masiibooyinka. Xafiisyada daryeelka qoyska waxay bixin karaan caawinta arimaha xanaaqa ama rabshada. Xafiisyada qaar waxay siiyaan adeegyo la gaareeyay dadka lagula kacay rabshad iyo/ama dambiilayaasha rabshada.
Waad la xiriirr kartaa xafiiska daryeelka qoyska u dhow si loo sameeyo magacaabista ama loo helo warbixin ku saabsan sida xafiiska daryeelka qoyska kuu caawin karo. Markii ay jirto dalab weyn, qoysaska carruurta leh waa la mudnaan siinayaa.
Ku saabsan adeega
Adeegyada lagu bixiyay xafiisyada daryeelka qoyska way ka duwanyihiin oo waxaa ku jiri karo
- daaweynta lamaanaha, daaweynta qoyska
- koorsooyinka maareynta xanaaqa iyo hagida maareynta xanaaqa ee waaladiinta
- dhexdhaxaadinta haddii ay dhacdo gooniyeynta iyo kala taga xiriirka, ku caawi iskaashiga waalidnimada iyo xaquuqaha booqashada
- barnaamijyada taageerada la talinta waalidka iyo xiriirada kala duwan
Daawo filimka ku saabsan shaqada xafiiska daryeelka qoyska:
Shaqaalaha waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga
Shaqaalaha xafiisyada daryeelka qoyska waxaa ku jiro cilmi nafsiilaha, sidoo kale sida aqoonyahanada iyo shaqaalaha bulshada ee ku taqasusay daaweynta qoyska. Shaqaalaha waxaa saaran waajibaadka qarsoodiga oo sidaas darteed waa laga illaaliyay la wadaagista warbixin walba ee adiga kugu saabsan dadka kale iyadoon jirin ogolaanshahaaga hore, illaamaa ay jiraan halis dhow oo qof la waxyeelay ah. Haddii xafiiska daryeelka qoyska aysan u suurtogaleynin inay bixiyaan caawinta aad u baahantahay, waxaa laguu gudbin karaa hay’ada kale. Xafiisyada daryeelka qoyska wuxuu bixin karaa turjubaan markii aan laga maarmin.
Xafiisyada daryeelka qoyska waxaa maamulada gobolka oo waxay ka qeybyihiin Xafiisyada Goboleedka ee Carruurta, Dhalinyarada aiyo Arimaha Qoyska (Bufetat). Xafiisyada kale ee daryeelka waxaa iska leh aaminaadaha kaniisada oo waxay la leeyihiin heshiis shaqeynayo Bufetat. Adeegyada waxaa lagu bixiyaa iyadoon laga eegin caqiidada isticmaalaha iyo diinta.
Sharaxaadaha xiriirka
Raadi xafiiska daryeelaaka qoyska deegaankaaga ee dinutvei.no (tick familievern under ‘type tilbud’)