Miyaa laguu geystay rabshad, kufsi ama qaabab kale oo weerarka galmada oo ma u baahantahay inaad ka shaqeysid waxaad la kulantay? Degmooyinkoo dhan waxay leeyihiin adeeg bixinta daryeelka caafimaadka damiirka
Daryeelka caafimaadka damiirka

Miyaa laguu geystay rabshad, kufsi ama qaabab kale oo weerarka galmada oo ma u baahantahay inaad ka shaqeysid waxaad la kulantay? Degmooyinkoo dhan waxay leeyihiin adeeg bixinta daryeelka caafimaadka damiirka
Miyaad ku jirtaa xaalad nolol adag? Kadib waxaad ka soo wici kartaa lambarka bilaashka ah ee Qadka caawinta 116 123.
Miyaa la kulmeysaa dhibaatooyinka lamaane rabshoole ah, miyaad la kulantay xadgudub, ama aad la kulmeysaa nooc walba oo rabshada qoyska ah? Miyaad isku dayaysaa inaad ka heshiisid waaya aragnimada dhacday waqti ka hor? Ama ma ka cabsaneysaa in laguugu qasbo guur? Malaha waxaad tahay qaraabo qof la kulmayo rabshad ama xadgudub?
Ma tahay canug kula kulmayo dhibaatooyin guriga, ama ma tahay qof weyn oo ka walaacsan wax ku saabsan carruurta iyo qofka da’da yar? Adeega Daryeelka Carruurta waxay siiyaan carruurta, dhalinyarada, iyo qoysaska caawin iyo taageero markii aad la kulmeysid dhibaatooyinka guriga markii canuga uusan heleynin daryeelka u baahanyahay ama u baahanyahay caawinta sababaha kale.
Meesha xarunta Nok. iyo xarumaha loogu tallogalay dhibanayaasha galmada dadkaan isgeynin iyo xadgudubka galmada (SMISO), dadka ku dhacday xadgudubka galmada waxay heli karaan taageero looga shaqeeyo waaya aragnimadooda. Xarumaha ayaa ugu horeyn ah adeega caawinta shaqsiga ee loogu tallogalay dadka weyn ee ku dhacday galmada dadkaan isgeyn, xadgudubka galmada ama kufsiga, sidoo kale sida qaraabada.
Ma tahay dhibanaha rabshada ama xadgudubka? Qadka caawinta wuxuu ka qabtaa wacitaanada ragga la dhibaatoonayo rabshada.
Miyaad aheyd dhibanaha kufsiga ama weerarka kale ee galmada? Waxaad ka heli kartaa qofaad la hadashid oo aad ka heshid caawinta caafimaadka ee xarunta weerarka. Uma baahnid gudbinta ka imaaneyso dhaqtarka ama qof kale oo waxaad heleysaa caawin iyadoon laga eegin haddii aad rabtid ama aadan rabin inaad u soo sheegtid weerarka booliska. Adeegyada waa bilaash iyo xarumaha waxay furanyihiin 24 saacadood maalinkii.
Ma lagu weeraray, ama ma la kullantay dagaalan guriga ah? Rugta caafimaadka carruurta iyo adeega caafimaadka dugsigu waa bilaash iyo adeeg bilaash ah ee carruurta iyo qof dhalin yaro ah laga bilaablo 0 ilaa 20 sano jir, siiba waalidka ama filaya inay carruur dhalaan, oo waxay noqon kartaa meel wanaagsan in laga hadlo arrimahan.