Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Weligaa weerar ama dagaal ma lagu qaaday? Maxay Hjelpetelefonen bixin kartaa?

Ma waxa aad ku jritaa xaalad adag? Markaas waxaad wici kartaa Hjelpetelefonen lambarkeeda bilaasha ah 116 123.

Hjelpetelefonen waa adeega qof kasta oo u baahan qof uu la hadlo. Hjelpetelefonen waxaa la heli karaa 24/7. Waxa la qarin karaa magacaaga, taas waxaa loola jeeda, uma baahnid inaad bixiso magacaga. Waxaad la xidhiidhi kartaa Hjelpetelefonen haddii aad hayso su’aalo ama u baahantahay inaad qof kala hadasho wax ku saabsan dagaalka xidhiidh dhow ah, weerarka ama dayaca. Waxaad sidoo kale heli kartaa caawimada helitaanka adeegyada kale ee aaggaaga.

Hjelpetelefonen waa adeega qof kasta oo u baahan qof uu la hadlo. Hjelpetelefonen waxaa la heli karaa 24/7.

Shaqaalaha ka shaqeeya telefoonada si joogta ah waa la taliyaal la shaqaaleeyay oo heli tababar xirfadeed iyo hagitaan. Shaqaalahu waxay leeyihiin waajibka qarsoodiga oo sidaas awgeed looma oggola inay la wadaagaan wax macluumaad ah oo adiga kugu saabsan kuwa kale oggolaanshahaaga la’aanteed, ama haddii ay jirto halis nolosha iyo caafimaadka ah. Shaqaalahu waxay ku hadlaan afka Noorwayjiyaanka. Caawimada waxaa sidoo kale lagu bixin karaa af Ingiriisi.

116 123  waa lambarka laynka caawimada wada jirka ah ee reer Yurub. Tan macnaheedu waxa weeye garaacida lambarkan gudaha EU/EEA, waxaa lagugu xidhi doontaa adeega caawimada ee wadanka aad hadda joogto. Haddii aad dalka dibada uga maqantahay, laakiin aad rabto inaad soo garaacdo Hjelpetelefonen gudaha Norway, waa inaad soo wacdaa 0047 91 116 123. Qiimayaasha moobilka caadiga ee xubin nka noqoshadaada ayaa ka dib la adeegsan doonaa.

Haddii aad door bidi lahayd inaad warqad u qorto la taliya beddelka wicitaanka, waxaad isticmaali karaa adeega onlaynka ah ee Hjelpetelefonen sidetmedord.no. Adeegu waa bilaasha, oo waxaad heli doontaa jawaabta gudaha 48 saacadood.

Hjelpetelefonen waxaa hawl geliya ururka Mental Helse oo waxaa maalgeliya  Xafiiska Noorwayjiyaanka ee Caafimaadka.


Telefoonka116 123

sidetmedord.no (Keliya Af Noorwayjiyaan)

Websaydka Hjelpetelefonen (Keliya Af Noorwayjiyaan)