Daryeelka caafimaadka damiirka

Miyaa laguu geystay rabshad, kufsi ama qaabab kale oo weerarka galmada oo ma u baahantahay inaad ka shaqeysid waxaad la kulantay? Degmooyinkoo dhan waxay leeyihiin adeeg bixinta daryeelka caafimaadka damiirka
Waxaa jiro qaabab badan oo looga falceliyo rabshada iyo weerarka galmada kadib. Dadka qaar waxay u baahanayaan caawin xirfadle. Bixinta daryeelka caafimaadka damiirka way kala duwantahay degmo ku degmo. Waxaad u raadin kartaa ama aad u la xiriiri kartaa adeegyada qaar si madax banaan, iyadoo kuwa kale u baahanyihiin inaad haysatid gudbin.
Adeegyada aanan u baahneyn gudbin
Activity houses waa meel kulanka bulshada ee dadka ka weyn da’da 18 oo ku jiro xaalado adag oo wajahayo caqabadaha caafimaadka damiirka. Activity houses ma bixiyaan daaweyn laakin waxay leeyihiin howlo badan oo kala duwan oo ay bixiyaan. Ujeedadooda waa ku caawinta dadka inay qabsadaan nolol maalmeedkooda, hormariyaan xirfadahooda iyo illaha, oo dhistaan xiriiro.
Adeegyadaan way kala duwanyihiin degmo ku degmo, sidoo kale sida u dhaxeyso degmooyinka kala duwan.
Si madax banaan ayaad ula xiriiri kartaa oo ma jiraan gudbin loo baahanyahay. Waxaad caadi ahaan heli kartaa sharaxaadaha xiriirka quseeyo ee websaydka degmada deegaankaaga.
Family houses waxaa lagu heli karaa gudaha ama agagaarka kala barka degmooyinka ku yaalo Norway. Kuwaan waxay u ogolaataa carruurta, dhalinyarada iyo qoysaskooda inay helaan caawin lagu illaalinayo fayo qabkooda caafimaadka damiirka iyo jirka. Shaqaalaha waxay ka yimaadeen taariiqo badan oo kala duwan.
Si madax banaan ayaad ula xiriiri kartaa oo ma jiraan gudbin loo baahanyahay. Waxaad ka raadin kartaa sharaxaadaha xiriirka quseeyo ee websaydka degmada deegaankaaga.
Xarumaha nolosha caafimaadan waa qeyb muhiim ka ah adeega caafimaadka degmada. Xarumaha qaar waxay bixiyaan koorsooyinka looga soo kabsado niyad jabka iyo istareeska, hagida ku heeran dhibaatooyinka hurada, iyo wada sheekeysiga ku saabsan isticmaalka aalkulada. Xarumo badan oo nolosha caafimaadan ah waxay bixiyaan adeegyo gooni ah ee loogu tallogalay carruurta, dhalinyarada iyo masuuladooda, sidoo kale sida waayeelka iyo muhaajir walba.
Waxaad si madax banaan ula xiriiri kartaa ama u weydiin kartaa Dhaqtarkaaga Qoyska (GP), xirfadle kaloo daryeelka caafimaadka ama NAV oo gudbintaada ah.
Shaqaalaha waxay ka soo jeedaan taariiqaha xirfadlaha kala duwan oo ay ku jiraan daaweynta jireed, nafaqada, qaabka barida, daaweynta shaqada, xanaanada, cilmiga caafimaadka dadweynaha, iyo cilmi nafsiga.
Hagida iyo dabagalka waxaa lagu bixiyaa labadaba shaqsi ahaan iyo si koox ku saleysan, oo waxay ku saleysantahay baahiyahaaga iyo waxa aad rabtid inaad gaartid.
Wax badan ka aqri xarimaha nolosha caafimaadan ee helsenorge.no
Wax badan ka aqri xarumaha nolosha caafimaadan ee websaydka Agaasinka Caafimaadka Norway
Degmooyinka badankood waxay bixiyaan adeegyada daryeelka wacyigelinta ama daaweynta kala duwan iyo kooxaha dabagalka ee caawiyo dadka qabo caafimaadka damiirka iyo arimaha ku xadgudubka maandooriyaha ee aagaga kala duwan ee nolosha. Kooxaha waxay ku siinayaan caawinta diyaarsan meeshaas oo aad ku nooshahay ama degmada deegaankaaga.
Adeegyadaan way ka duwanyihiin degmo ku degmo.
Qaar ka mid ah kooxahaan waxay ku shaqeeyaan sida waafaqsanqaababka ACT ama FACT oo aad ka aqrin kartid wax badan hoos.
Degmooyinka ayaa sidoo kale bixiyaa adeegyada daryeelka wacyigelinta ee bartilmaameedsado dhalinyarada sida ku saleysan noocyada kale. La xiriir degmadaada deegaanka oo lagu ogaanayo wax badan.
Wax badan aqri oo daawo muuqaalka ku saabsan kooxaha FACT (kaliya reer Norway)
Dhoor degmooyin ayaa aasaasay adeegyada daryeelka caafimaadka damiirka degdega ah. Kan ayaa ah dooq daaweyn muddo gaaban ee loogu tallogalay dadka ka weyn da’da 16 ee qabo walwalka qafiifka ah illaa dhexaadka, niyad jabka, arimaha ku xadgudubka maandooriyaha bilowga ah iyo/ama dibaatooyinka hurdada.
Adeega waxaa lagu bixiyaa si bilaash ah, oo waxaad raadin kartaa adeeg madax banaan iyadoon jirin gudbinta Dhaqtarkaaga Guud (GP). Si kastaba, Gp-gaaga ayaa badanaa noqon karo jaal muhiim u ah la macaamilida arimaha aad wajaheysid.
Si loo ogaado haddii degmadaada deegaanka ay bixiso adeegyada daryeelka caafimaadka damiirka degdega ah, waa inaad hubisaa websaydkooda.
Wax ka aqri adeegyada daryeelka caafimaadka degdega ah websaydka Xarunta Illaha Norway ee Caafimaadka Damiirka Bulshada (kaliya reer Norwey)
Degmooyin badan iyo degmooyinka deegaanka waxay leeyihiin cilmi nafsiilayaasha ku lifaaqan adeegyada caafimaadka iyo daryeelka ee bixiyaa daaweynta muddada gaaban ee arimaha caafimaadka damiirka qafiifka iyo dhexaadka ah. Adeega waa bilaash.
Sharaxaado dheeraad ah oo sida cilmi nafsiilaha u shaqeeyaan iyo sida loola xiriiro iyaga waxaa laga heli karaa degmada deegaankaaga ama websaydka degmada. Gp-gaaga ayaa sidoo kale ku bixiyo caawinta tan la xiriirto.
Waxaa jiro dhoor cilmi nafsiilayaal gaar ah iyo dhaqtaatiirta damiirka ee ku tababartaa iyadoon jirin kaalmada shaqada. Caadi ahaan uma baahnid gudbin, laakin adeega ayaa badanaa aad uga qaalisanaanayo daaweynta xarunta dhaqtarka damiirka degmada ama cilmi nafsiilaha/dhaqtarka damiirka ee helaa kaalmada shaqada (fiiri hoos)
Adeegyada u baahan gudbin
GP-gaaga ama dhaqtarka ilkaha waxay ku qiimeeyn karaan iyagoo adiga kula tashanayo haddii aad u baahantahay caawin la gaareeyay. Waxay kuu gudbin karaan cilmi nafsiilaha ama dhaqtarka damiirka haddii tan loo baahanyahay. Weydii qofka kuu soo gudbiyo codsashada daaweeyaha iyo aqoonta rabshada iyo naxdinta.
Rugaha caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada iyo dhaqtarka damiirka/cilmi nafsiilaha leh qandaraasyada shaqada
Rugaha caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada waxaa laga helaa wadankoo dhan oo waxay ka qeyb tahay adeega daryeelka caafimaadka taqasuska. Cilmi nafsiilaha gaarka ah iyo dhaqtarka damiirka ee leh qandaraasyada shaqada (taqasusyada qandaraaska) ayaa sidoo kale ka qeyb ah adeega daryeelka caafimaadka taqasuska. Si markaas looga helo daaweyn rugaha caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada ama taqasuska qandaraaska, waa inaad haysataa gudbin. Haddii aad u baahantahay daryeelka caafimaadka damiirka degdega ah, waxaad sidoo kale toos ula xiriiri kartaa rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka. Daaweynta waxaa lagu bixiyaa qaabka xaalada xasilinta iyo la talinta shaqsiga.
Weydii qofka kuu soo gudbiyo codsashada daaweeyaha iyo aqoonta rabshada iyo naxdinta
SANKS waa adeeg gooni ah oo siiyo daryeelka caafimaadka damiirka dadyowga Sami
Daawo muuqaalka ku saabsan waxa aad kala kulmeysid markii aad booqaneysid rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada:
Shaqaalaha waxaa saaran waajibaadka qarsoodiga oo sidaas darteed looma ogola inay la wadaagaan warbixin walba ee adiga kugu saabsan dadka kale illaamaa aad ka ogolaatid midaan ama haddii ay jiraan halis dhow oo qof la waxyeelay ah. Turjubaan ayaa la bixin karaa markii aan laga maarmin. Markii aad booqaneysid rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada ama taqasusyada qandaraaska, waa inaad siisaa qidmada isticmaalaha caadiga ah oo illaa daryeelka caafimaadka xadka kaarka ka dhaafida. Rugaha caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmadee ayaad ka mid tahay oo waxay ku tiirsantahay meesha aad ku nooshahay iyo waxa isbitaalka deegaankaaga uu yahay. GP-gaaga waxay bixin karaan hagid.
Wadada bukaanka iyo saacadaha sugitaanka
Markii laguu gudbiyo rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada, tan waxay bilowdaa waxa loo yaqaan sida wadada bukaanka. Wadada bukaanka waxay hubisaa in lagu siiyo daaweyn dhameystiran oo la qiyaasi karo iyadoon jirin waqtiga sugitaanka aan muhiimka aheyn. Qodobka ayaa ah tagitaanka midaan waa mida inaad tahay taqasus markii ay timaado noloshaada gaarka ah. Tan ayaa ka dhigan waa inaad ku yeelataa saameyn badan daaweyntaada.
Wax badan ka aqri wax ku saabsan wadada bukaanka ee helsenorge.no
Waqtiga sugitaanka ee daaweynta rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmada way ka duwantahay waxay ku xirantahay meesha aad ka joogtid wadanka. Haddii rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degmadaada aysan ku siin karin adeeg fiican oo kugu fillan, waxaa jiro iqtiyaar laguugu daaweeyo rugta caafimaadka bukaan socodka dhaqtarka damiirka degma kale. Waxaad la xiriiri kartaa adeega warbixinta “Dooro meesha daaweynta” wixii su’aalo ah ee la xiriiro adeegyada iyo waqtiyada sugitaanka ee lambarka taleefonka xigga: 800 43 573 (800 HELSE).
Fiiri isku celcelis waqtiga sugitaanka ee rugta caafimaadka deegaankaaga (kaliya reer Norway)
Liisaska oo meesha aad ka heli kartid caawin
Shirkad walboo caafimaad waxay bixisaa liisaska cilmi nafsiilayaasha iyo dhaqaatiirta damiirka oo helitaanka kaalmooyinka howlgalka (taqasusyada qandaraaska):
- taqasusyada qandaraaska ee Maamulka caafimaadka Goboleedka Bariga-Koonfureed ee Norway
- taqasusyada qandaraaska ee Maamulka caafimaadka Galbeedka ee Norway
- taqasusyada qandaraaska ee Maamulka caafimaadka Bartamaha Norway
- taqasusyada qandaraaska ee Maamulka caafimaadka Wuqooyiga Norway
Ka raadi cilminafsiilaha websaydka Ururka Cilmi nafsiga reer Norway.
Qoraalka waxaa qoray guddiga tafaftirka dinutvei.no.
Illaha:
helsenorge.no
Xarunta illaha ee Caafimaadka Damiirka Bulshada ee reer Norway (NAPHA)
Maktabada Caafimaadka Elelkatrooniga Norway
Agaasinka Caafimaadka Norway
websaydyada degmooyinka kala duwan
Related articles
Did you find what you were looking for?
Thank you for your feedback!
We are reading all feedback, but unfortunately we can not respond.
