Nasiib daro, dhibanayaal badan ee rabshada qoyska waxay u dambeeyeen inay dib ugu laabtaan ku xadgudbahooda sababtoo ah maysan haysan wado kale.
Adeega Saaxibka Illaalada waa laguu heli karaa markii aad kala tagtaan lamaane rabshoole ah iyo ugu dambeyntii aad ka guurtid hoygaaga dhibaatada. Haddii aadan ku noolaan hoy laakin aad rabtid Saaxibka Illaalada, hoyga waa inuu marka koowaad sameeyaa qiimeynta halista ee xaaladaada.
Saaxibka Illaalada waxaa loola jeedaa inuu ahaado isha taageerada iyo saaxib asxaab ah ee waqtiga adag. Xiriirka u dhaxeeyo adiga iyo Saaxibkaaga Illaalada waa inaad dareentaanlabo lamaane oo gabi ahaanba simman. Ujeedada adeega waa hubinta in dhibanayaasha xadgudubka aysan dib ugu soo laaban lamaanaha rabshoolaha. Saaxibka Illaalada waxaa loo xilsaari karaa illaa labo iyo toban bilood, lagu sheegay inaadan dib ugu laaban qofka kugu xadgudbay. Saaxibka Illaalada waxaa u suurtogaleyso inuu kula kulmo labo illaa afar jeer bishiiba.
Saaxibka Illaalada waa dumar tabaruce ah oo loo tababaray aagaga sida naxdinta, rabshada ee xiriirada dhow, qarsoodiga oo dajinayo xaduudo. Saaxibka Illaalada waxay ku hadlaan Norwegian laakin qaarkood waxay ku hadli karaan af Ingiriis. Xaaladaha qaarkood, adeega waxaa sidoo kale lagu bixin karaa luuqado kale.
Qorshaha waxaa xiriiriyo laamaha deegaanka ee Ururuka Caafimaadka Dumarka Dadweynaha Norwegian (Norske Kvinners Sanitetsforening, N.K.S.) oo Norway oo dhan ah, iyaga oo si dhow ula shaqeynayo hoyada dhibaatada deegaanka iyo xafiisyada xarunta ee N.K.S. Haddii aad jeclaan laheyd Saaxibka Illaalada, weydii hoygaaga inaad la xiriirtid laanta deegaanka ee Ururuka Caafimaadka Dumarka Dadweynaha Norwegian.
Hoyada dhibaatada Norwegian waxay ku qoran yihiin halkaan iyo laamaha deegaanka ee N.K.S. Waxay ku qoranyihiin halkaan.