Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Waa maxay Ururka Qaranka ee loogu tallogalay Daryeelayaasha ee Caafimaadka Maskaxda (LPP)?

Landsforeningen for Pårørende innen Psykisk helse Logo

Inay kugu dhacdo rabshad waxay sababi kartaa baahida daryeelka caafimaadka maskaxda. Haddii aad tahaya qaraabo ama daryeele, waxaad ka heli kartaa tallo iyo caawin Ururka Qaranka ee Daryeelayaasha Caafimaadka Maskaxda (Landsforeningen for Pårørende innen Psykisk helse, LPP).

LPP waa dano qaran iyo hay’ada isticmaalaha loogu tallogalay qaraabada iyo daryeelayaasha caafimaadka maskaxda. LPP waxay si gaar ah uga shaqeysaa qaraabada iyo daryeelayaasha oo waxay leedahay ururo deegaan oo Norway oo dhan ah. Iyada oo la kaashanayo Xarunta Qaraabada iyo Daryeelayaasha Oslo LPP waxay sameeyeen qadka qaranka ee loogu tallogalay qaraabada iyo daryeelayaasha. LPP sidoo kale waxay maamushaa adeega sheekada meeshaas oo aad ka heli kartid hagid iyo taageero bilaash ah. Waxaad ahaan kartaa qarsoodi haddii aad doorbidid.

Websaydka (lpp.no) sidoo kale wuxuu leeyahay qeyb cilmi halkaas oo aad ka heli kartid xaqiiqo, daabacaado, cilmi baaris, sharciyeyn iyo warbixin kale ee ku saabsan qaraabada iyo daryeelayaasha iyo doorkooda ee caafimaadka maskaxda. Gudaha qeybta cilmiga waxaad sidoo kale ka heleysaa “Bare spør!”, buug yar ee loogu tallogalay qaraabada, daryeelayaasha iyo bukaanada oo kugu caawin karo weydiinta nooca saxda ah ee su’aalaha iyo aad ka heshid warbixin wax ku ool ah markii aad la xiriireysid adeegyada caafimaadka.

Xiriirka

Websaydka LPP

Qadka caawinta ee loogu tallogalay qaraabada iyo daryeelayaasha: +47 22 49 19 22

Adeega Sheekada