Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Waa maxay Stiftelsen Tryggere?

Stiftelsen Tryggere tilbyr sinnemestring til menn og kvinner i alle aldre

Mala macaamishaa dareemahaaga oo qaab aan caafimadaneyn? Miyaad u hanjabaad, liidaa, ku qeylisaa ama garaacdaa qaraabadaada? Waxyaabo maku tuurtaa oo ma sababtaa waxyeelo? Aasaaska Nabdoon (Stiftelsen Tryggere) waxay siisaa barnaamijyo maareynta xanaaqa ragga iyo dumarka oo da’ walba ah.

Barnaamijyada maareynta xanaaqa wuxuu ku barayaa sida loo xakameeyo xanaaqaaga oo qaab wanaagsan oo dhisan iyada oo lagu badelayo dabeecado aan caafimaadeneyn ee kuwo caafimaad.

Meesha Stiftelsen Tryggere, waxaad si gaar ah ula hadli kartaa la taliyaha, midkood qof ahaan ama dhinaca wacitaanka fiidiyaha. Ururka wuxuu xafiisyo ku leeyahay Oslo, Vesterålen, iyo Lofoten. Waad heli kartaa caawin dhibaato malahan meesha aad wadanka kaga nooshahay.

Waxaa kaliya oo lagaa rabaa inaad bixisid tabarucaad yar oo qarashaadka guud.

Yaad la hadli kartaa?

Shaqaalaha waxay ku hadlaan af Norwegian. Waxaad sidoo kale heli kartaa caawinta af Ingiriiska. Kuwa u shaqeynayo ururka waxay leeyihiin midkood taariiqda daryeelka caafimaadka ama bulshada. Shaqaalaha waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga oo sidaas darteed waa laga illaaliyaa la wadaagida warbixin walba ee adiga kugu saabsan dadka kale iyada oo aan jirin ogolaanshahaaga hore illaa ay jiraan xaalad degdeg ah, oo nolosha halis ku ah.

Adeegyada kale

Intaas waxaa dheer barnaamijka maareynta xanaaqa, Stiftelsen Tryggere waxay sidoo kale bixisaa:

  • koorsooyinka iyo qudbadaha dhibaateynta, xadgudubka iyo rabshada (labadaba ah dugsiyada iyo goobaha kale ee bulshada).
  • koorsooyinka iyo hagida loogu tallogalay qeybaha daryeelka caafimaadka iyo bulshada.
  • tallada ee maamulada deegaanka iyo hay’adaha kale.
  • koorsooyin gaar ah ee loogu tallogalay daaweeyayaasha iyo shaqaalaha caawin kale.

Bixinta adeegyada waa wadanka oo dhan.

Stiftelsen Tryggere waa urur gaar ah, ku tiirsan labadaba maalgelinta gaarka iyo dowliga.

Warbixinta xiriirka

Tel: 23 23 05 10

I-meel: post@tryggere.no

Websaydka Stiftelsen Tryggere: http://tryggere.no/