Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Ma waxaad tahay qof dagaal badan ama ma waxaad ku kacday fal dagaal? Maxaa ay rugta caafimaadka carruurta iyo adeega caafimada dugsigu ku siin karaan?

Snakk med skolehelsetjenesten dersom du bruker vold

Dhibtaato ma kaa haysataa xakamaynta cadhadaada oo miyaa laguu hanjabaa, cadhootaa ama daalansantahay? Rugta caafimaadka carruurta iyo adeega caafimaadka dugsigu waa mutadawac iyo adeeg bilaash ah ee carruurta iyo qof dhalin yaro ah laga bilaablo 0 ilaa 20 sano jir, siiba waalidka ama filaya inay carruur dhalaan, oo waxay noqon kartaa meel wanaagsan in laga hadlo arrimahan.

Rugta caafimaadka carruurta iyo adeega caafimaadka dugsigu waxay bixiyaan baadhitaanka caafimaad,a tallaalka, booqashooyinka guriga, macluumaadka caafimaadka iyo talo. Qayb muhiim ah  oo shaqada ah waa ka hortagga dagaalka iyo weerarka galmada, ay ka mid tahay  gudniinka goynta xubinta taranka haweenka   iyo dagaalka kale ee sharafta la xidhiidha. Rugta caafimaadka carruurta iyo adeega caafimaadka dugsigu waxay siiyaan caawimo labbadaba shakhsiyaadka, qoysaska iyo kooxaha.

Rugaha caafimaadka carruurta/adeegyada caafimaadka dugsiga waxay si dhow ula shaqeeyaan adeegyada caafimaadka degmadda, oo waxay sidoo kale caawin karaan gubinta, la socodka iyo la xidhiidhka kooxaha kale ee nidaamka taageerada. La shaqaynta waalidka iyo dugsiyada waxay sidoo kale khusayn kartaa rugta caafimaadka dhalinyarada, laakiin waa go’aankaaga haddii uu jiri doono wada sheekaysiga lala leeyahay kooxaha.

Dhakhtar iyo booqde caafimaad waxa uu ka shaqayn doonaa goobaha badankooda, marka goobaha kale aad sidoo kale awood u yeelan doonto inaad la kullanto ummulisooyinka, dhakhtarada cilmi nafsiga ama xirfad yaqaanada kale kuwaas oo ku caawin kara. Shaqaalahu waxay leeyihiin waajibka qarsoodiga oo sidaas awgeed looma oggola inay la wadaagaan wax macluumaad ah oo adiga kugu saabsan kuwa kale oggolaanshahaaga la’aanteed, ama haddii ay jirto halis nolosha iyo caafimaadka ah. Rugaha caafimaadka carruurta/adeegyada caafimaadka dugsigu waxay bixin karaan turjubaan, marka ay lama huraan tahay.

Rugta cafimaadka dhalinyarada

Rugaha caafimaadka dhalinyaradu waa kaabida adeega caafimaadka dugsiga. Adeegyada waxaa loogu talo galay dadka dhalinta yar ee ilaa 20 sano jirka ah. Si kastaba ha ahaate masuuliyiinta dowladda hoose qaarkood waxay u kordhiyeen adeega la siiyo dadka dhalinta yar ilaa 24 sano jirka. Adeega caafimaadku ee dadka dhalinta yar waa adeega dadka dhalinta yar kuwaas oo doonaya inay kala hadlaan dadka waa wayn wax ku saabsan dhibaatooyinka wayn iyo kuwa yar. Adeegu waxa uu bixiyaa talo, hagitaan, baadhitaan iyo daawayn ku habboon baahiya dadka dhalinta yar oo waxaa lagu bixiyaa sida ay doonayaan.

Dhalin yarta aan dhigan dugsiga sidoo kale waxay xaq u leeyihiin inay helaan caawimada laga bixiyo rugta caafimaad.

Adeega caafimaadku ee dadka dhalinta yar waa adeega dadka dhalinta yar kuwaas oo doonaya inay kala hadlaan dadka waa wayn wax ku saabsan dhibaatooyinka wayn iyo kuwa yar.

Daryeelka uurka

Daryeelka uurka iyo la socodka qoyska iyo ilmaha dhashay sidoo kale waa qayb mihiim ah oo adeegyada rugaha caafimaad ah. Rugaha caafimaad waxay siin doonaan macluumaad iyo xidhiidh iyo la talinta waalidka ee haweenka uurka leh iyo waalidka cusub. Sidii qayb daryeelka uurka ah, shaqaalaha caafimaadka waxaa lagu dhiirigelinayaa inay su’aalaan dhammaan haweenka uurka leh su’aalo ku saabsan dagaalka — labbadaba khibradaha hadda iyo kuwii hore ee dagaalka ahaa. Sidaana, rugta caafimaad waa meesha aad ka heli karto qorshe aad ku soo qaadayso su’aalaha la xidhiidha dagaalka, tusaale ahaan, haddii adiga ama lamaanahaagu aad la dhibaatoonaysaan inaad maamushaan dareenkiina oo aad tihiin kuwa dagaalansan suuragal ahaana aad ku dhacdaan falalka dagaalka.

Rugta caafimaadku sido kale waxay siisaa adeeg dadka loo gaystay dagaalka ama weerarka.

Rugaha caafimaadka waa qayb ka mid ah adeegyada caafimaadka dad waynaha.


Liiska rugaha caafimaadka iyo adeegyada caafimaadka dugsiga waxaa laga heli karaa websaydkaaga dowladda hoose

Sida loo helo rugta caafimaadka