Dinutvei.no Logo Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Ma leedahay dabeecadaha rabshada? Muxuu bixiyaa adeegyada qadka caawinta ragga?

Tankefull mann sitter i vinduskarm

Miyaad la dhibaatooneysaa dagaalkaaga gaarka ah iyo dabeecadaha xadgudubka, ama ma ka cabsaneysaa in laga yaabo inaad gashid dagaal? Qadka caawinta wuxuu ka qabtaa wacitaanada ragga la dhibaatoonayo rabshada.

Qadka caawinta ragga (Mannstelefonen) waxay la xiriirtaa Reform – xarunta illaha ee ragga. Wacitaanada ku aadan qadka caawinta ragga waxaa ka jawaabo qof aad kala hadli kartid arimaha inta badan, oo ay ku jiraan rabshada, weerarka ama xadgudubka. Shaqaalaha qadka caawinta iskaa wax u qabsiga waxaa loo tababaray inay la taliyaan wacayaasha murugeysan.

Waxaad sidoo kale kala hadli kartaa arimaha xiriirada, furiinka iyo dhibaatooyinka haynta canuga ama xaquuqaha booqashada, rabshada qoyska ama xadgudubyada aad dhibane u aheyd, kali ahaanshaha, gooniyeynta iyo qilaafyada, ama xaaladaha kale ee aad la dhibaatooneysid. Shaqaalaha qadka caawinta ee ka jawaabo wacitaanada waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga.

“Qadka caawinta ragga waa adeega qadka caawinta taleefonka Norway ugu da’da weyn gaar ahaan loogu tallogalay ragga. Qadka caawinta wuxuu ka qabtaa wacitaanada ragga la dhibaatoonayo rabshada.”

Qadka caawinta waxay kugu caawin kartaa sheegida dhibaatooyinkaaga, iyo malaha aad gelisid aragtiyo cusub.

Haddii aad u baahantahay caawin aad loo gaareeyay, shaqaalaha qadka caawinta ayaa kugula talinayo cida kale ee lala xiriirayo.

Haddii aad u bahaantahay inaad la hadashid qof si degdeg ah inta lagu jiro saacadaha waqtiga maalinta, oo micnaheeda ah ka baxsan saacadaha furitaanka maqribka qadka caawinta ragga, soo wac Reform – xarunta illaha ragga loogu tallogalay ee 22 34 09 50. Waxay umarayaan wado aad u dheer ee ku sameeyaan waqtiga ay kugula hadlaan.

Shaqaalaha waxay ku hadlaan af Noorweeyaan. Caawinta sidoo kale waxaa lagu heli karaa af Ingiriiis.

Warbixinta xiriirka

Qadka caawinta ragga 22 34 09 60Isniinta illaa Jimcaha, 5pm – 8pm maqribkii (marka laga reebo inta badan fasaxyada bulshada).

Websaydka qadka caawinta ragga