Forlat siden Nasjonal veiviser
ved vold og overgrep

Af-soomaali

Bogga internetka ee aad joogto, dinutvei.no, waa hagaha qaranka ee deeqaha gargaarka, warbixinta iyo aqoonta ku saabsan kufsiga iyo gacanqaadka ka dhaca qoyska dhexdiisa ama gacanqaadka ka dhex dhaca kuwa is qaba ama wada nool ama horey isu qabi jirey ama horey u wada noolaan jirey. Bogga internetka waxaa maammula Xarunta qaranka ee gacanqaadka iyo karkabada waxa la soo gocdo (NKVTS) iyada oo ay shaqadaas uga imatay Wasaaradda caddaaladda- iyo heeganka.

Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay nolol aan cabsi iyo gacanqaad (vold) midna lahayn. Dad aad u badan ayaa Norway waxay la nool yihiin dad u gacan qaada. Gacanqaadka ka dhex dhaca dadka isu dhow iyo kufsigu ma aha arrin barayfat qofka u ah, ee waa mas’uuliyad bulshada saaran.

Waxaa jira noocyo badan oo gacanqaad ah, waxaana laga yaabaa in aanad hubin in adiga laftigaada ama qof aad taqaanno in hadda gacanqaad loo geysto ama horey loogu geystay. Ama waxaaba laga yaabaa in aad is weydiineyso in aad laftigaadu dad kale gacanqaad u geysato. Dad badan ayaan hubin waxa uu gacanqaad yahay sidiisaba. Qoraalka hoose ayaad arrintan in intan ka badan uga ogaan kartaa.

Qof aad isu dhow dihiin gacanqaad ma kuu geystay?

Sidee ayaad gacanqaad isaga difaaci kartaa?

Ma laguu geystay kufsi ama xadgudub galmo oo kale?

Falcelinnada caadiga ah gacanqaadka iyo xadgudubka kaddib

Ma taqaannaa dad loo gacanqaado?

Dad ma u gacan qaaddaa ama ma u hanjabtaa?

Qof aad isu dhow dihiin gacanqaad ma kuu geystay?

Gacanqaadka ka dhex dhaca dadka isu dhow (waxaa kale oo loogu yeeraa gacanqaadka dadka wada nool ama gacanqaadka qoyska dhexdiisa) waa nooc walba oo gacanqaad jireed ama mid maskaxiyan ah iyo hanjabaadda dhex marta xubnaha qoyska ee hadda iyo kuwii hore, waxaana sidoo kale soo galaya carruurta ku nool guri uu gacanqaad ka jiro. Gudniinka dumarka iyo guurka khasabka ah ayaa iyaguna soo hoos gelaya weertan.

Gacanqaadka ka dhex dhaca dadka isu dhow waa denbi marka la eego sharciga norwiijiga. Waxaa la hubaa in ay arrimahani yihiin kuwo ay hay’adaha gargaarka iyo booliska labaduba mas’uuliyad weyn iska saaraan.

Dadka badankoodu gacanqaad waxay u yaqaannaan in qofka feer lagu dhufto, la haraatiyo ama jirkiisa dhaawac loo geysto, laakiin waxaa jira noocyo kale oo iyaguba gacanqaad ah. In xoog laguu qabto adiga oo aan taas raalli ka ahayn, in lagugu qayliyo oo lagu caayo, lagu bahdilo, dadka lagaa qoqobo ama lagu koontaroolo ayaa iyaguna ah qaar ka mid ah gacanqaadka.

Noocyada gacanqaadka ah ee inta badan la sheego waa:

  • Gacanqaad jireed: Nooc walba oo gacanqaad ah halkaas oo jirku is taabanayo – haraati, feer, timaha jiidid, qaniinyo, cidiyaysasho, xoog u qabasho, ruxid, riixid, ceejin. Meel ku soo xirid iyo qoqobidda ayaa iyaguna ka mid ah noocyada gacanqaadka.
  • Gacanqaad maskaxiyan ah: Isticmaalka ereyada iyo codka dadka kale u hanjabaya, dhaawacaya, ku xadgudbaya ama koontaroolaya. In dadka kale la yaso, aan la kala jeclaan ama la bahdilo ayaa iyaguna qayb ka ah gacanqaadka maskaxiyanka ah. Waxaa tusaale ahaan kuwaas ka mid ah: «Waan ku dilayaa », «wax qiime ah kuma fadhidid », «foolxumadi iyo cayilki baa kaa batay oo cid ku rabta ma jirto ».
  • Gacanqaad qalab: Jejebin, burburin iyo tuurid shay-yaal, derbiyada iyo albaabbada oo wax lagu dhufto iyo wixii la mid ah.
  • Gacanqaad galmo: Nooc walba oo xadgudub galmo ah. Waxaa tusaale ahaan kuwaas ka mid ah: falal ama isku dayga falalka taabashada, taataabashada, leefidda, nuugidda, siigeysiga, falal galmo u eg, galmo iyo kufsi iyo falalka ama isku dayga falalka iyada oo aan lays taabanayn sida hadal galmo ku dheehan tahay, is qaawin, sawir ka qaadid, filin ka duubid, daawashada iyo tusidda filimaanta/sawirrada dadka qaaqaawan.
  • Gacanqaad dhaqaale: Koontaroolka dhaqaalaha dadka kale; labada qof midkood ayaa loo diidaa dhaqaalahiisa ama dhaqaalaha la wada leeyahay.
  • Gacanqaad daahsoon: Gacanqaad «la filayo», jawi gaar ah oo jira gacanqaadka hortiis ama gadaashiis.
  • Gacanqaad barbaarin looga dan leeyahay: ciqaab jirka ah iyo mid maskaxiyan ah oo qayb ka ah barbaarinta si wax looga beddelo habdhaqanka carruurta iyo dhallinyarada.

Qaar badan oo kuwaan ka mid ah waa denbi toos ah marka la eego sharciga norwiijiga, meesha ay qaarkood ka yihiin xadgudubyo iyaguna denbi noqon kara taas oo ku xiran heerka ay khatartoodu gaarsiisan tahay, inta jeer ee ay soo noqnoqdaan ama xaaladda ay ku yimaadaan, ama waxaaba ay hoos tagaan qodobbo sharci oo kale, tusaale ahaan kuwa khiyaanada. Waxaa caadi ahaan dhacda in ay dhowr kuwan ah isku mar dhacaan.

Gacanqaadku ragga iyo dumarkaba waa ku dhici karaa, laakiin dumarka ayaa ragga uga badan in loo geysto gacanqaad khatar ah oo soo noqnoqda iyo xadgudub galmo kuwaas oo uu qofka dumarka ah u geysto qofka ay wada nool yihiin.

Waxaa jira kooxo si gaar ah ugu nugul in ay u gacanqaadaan dadka ay xiriirka soke la leeyihiin. Waxyaalaha nuglaanta keeni kara ayaa waxaa ka mid ah jinsiga, da’da, awoodda waxa la qaban karo, dhanka xagga galmada loo janjeero, asalka bulsho-dhaqaale, uurka, haajiridda iyo sarkhadda.

Sidee ayaad gacanqaad isaga difaaci kartaa?

Waan og nahay in ay adkaan karto in laga baxo xiriir uu gacanqaad ka jiro. Inta badanna gacanqaadku ma istaago ilaa qofka kor laga soo caawiyo.

Caawin ayaad u baahan tahay oo waa in aad heshaa dad aad la hadasho haddii lagu dhaawaco, laguu hanjabo, ama aad ka baqayso in laguu gacanqaado, ama aad ka shakido in waxa lagugu sameeyay ay gacanqaad yihiin. Halkan ayaad ku arkaysaa deeqaha gargaarka ee jira. Haddii laguu geysto gacanqaad ama hanjabaad culus iyo haddii aad naftaada u baqayso markaas waa in aad booliska (politiet) kala xiriirtaa teleefoonka 02800 ama lambarka gargaarka degdegga ah ee 112. Haddii ay arrintu khuseyso ilmo yar ama qof dhallinyaro ah, waa in aad sidoo kale wargelisaa adeegga maadinta carruurta (barnevernet).

Qaar badan oo ka mid ah dadka gacanqaadka loo geystay ayaanay midda iyaga ugu muhiimsan ahayn in la ciqaabo qofka u gacanqaaday, ee ay tan ugu muhiimsan tahay in uu gacanqaadku istaago. Hay’adaha gargaarku waxay bixiyaan deeq loo fidiyo midka gacanqaadka geysta iyo midka gacanqaadka loo geysto labadaba. Laakiin waxaa jira qaar u baahan in la difaaco. Booliska (politiet) ayaa qiimayn doona hawlgallada difaaca ee aad u baahan tahay haddii laguu hanjabo ama laguu gacanqaado. Waxay hawlgalladaasi noqon karaan in lagu siiyo allaarmiga dadka loo gacanqaaday, in qofkii kuu gacanqaaday laga mamnuuco in uu agtaada yimaado ama in lagu dejiyo ciwaan qarsoon.

Xarumaha dadka dhibka loo geystay (krisesenter) waxaa laga helaa difaaca koowaad ee xilliga gargaarka degdegga ah loo baahan yahay, dad badan ayayna ka caawiyaan sidii ay uga bixi lahaayeen xiriirro uu gacanqaad ka jiro. Xarumaha dadka dhibka loo geystay iyo booliska waxay labaduba bixin karaan warbixin iyo hagis, waxayna qofka gacanqaadka loo geystay iyo midka u geystayba ka caawin karaan sidii ay ula xiriiri lahaayeen waaxda caafimaadka- iyo bulshada (helse- og sosialetaten), xafiiska maadinta qoyska (familievernkontor), maadinta carruurta (barnevern), xarumaha dadka dhibka loo geystay (krisesenter), deeq qofka lagu daaweynayo, qareen, xafiiska talasiinta dhibbanayaasha denbiyada (rådgivningskontor for kriminalitetsofre) ama qaar kale oo ku caawin kara.

Haddii uu qofka gacanqaadka geysanaya yahay mid kuu dhow, markaa inta badan way adag tahay in la dacweeyo. Dad badan oo dhib loo geysto ayaa ku guuldarraysta in ay dacwo xareeyaan in kasta oo ay meesha yaallaan sababo wanaagsan oo sheegaya in ay dacwo xareeyaan. Si culayska dacwo oogidda looga qaado oo mas’uuliyadda looga leexiyo qofka gacanqaadka loo geystay, ayaa waxaa booliska u bannaan in ay iskood denbibaaris u billaabaan marka uu dhaco gacanqaad halis ah - iyada oo aan loo eegayn in uu qofka gacanqaadka loo geystay taas doonayo iyo in kale. Middan ayaa loogu yeeraa dacwo ay dawladdu oogeyso.

Ma laguu geystay kufsi ama xadgudub galmo oo kale?

Waxaa jira noocyo badan oo xadgudub galmo ah, waxaana laga yaabaa in aad is weydiineyso in ay waxa kugu dhacay yihiin xadgudub galmo iyo in kale.

Xadgudubyo galmo waxaa laga wadaa dhammaan noocyada faraxumaynta galmada. Xadgudubyada galmada waxaa soo hoos gelaya falalka iyo isku dayga falalka jirku is taabanayo ee taabashada, taataabashada, leefidda, nuugidda, siigeysiga, falal galmo u eg, galmo iyo kufsi, iyo falalka ama isku dayga falalka iyada oo aan lays taabanayn sida hadal galmo ku dheehan tahay, is-qaawin, sawir ka qaadid, filin ka duubid, daawashada iyo tusidda filimaanta/sawirrada dadka qaaqaawan.

Xadgudubku wuxuu dhacaa iyada oo aanu doonayn qofka loo geysanayo, ama aanu qofku lahayn awood uu oggolaasho ku bixiyo. Xadgudubku wuxuu dhici karaa iyada oo qofka lagu xadgudbayo la sirayo, iyada oo la cadaadinayo ama loo hanjabayo si uu falal ula sameeyo dad kale, in qofka dhibka loo geysanayo lagu khasbo in uu daawado dad kale oo samaynaya falal galmo ah ama in qofka lagu khasbo in uu asaga laftigiisu isku sameeyo falal galmo ah iyada oo ay dad kale daawanayaan. Xadgudub waa wax qof kasta ku dhici kara ha ahaado mid aan sarkhaansanayn, mid sarkhaansan ama mid hurda.

Kufsiga iyo xadgudubyada galmada ee kale waa kuwo ka dhex dhici kara dadka uu ka dhexeeyo xiriir soke iyo kuwa aanu ka dhexaynba. 

In kasta oo aanad hubin in xadgudub laguu geystay iyo in kale, haddana weli waad la xiriiri kartaa hay’adaha gargaarka. Waxaa iyana loo baahan yahay in aad wixii dhacay kala hadasho qof aad taqaanno. Ka hadlidda aad dhacdada ka hadasho ayaa kaa caawin karta in aad sharraxdo sidii ay wax u dheceen, fikirkaaga iyo dareenkaaga. Waxaa iyana wax wanaagsan noqon kara in taageero iyo hagisba laga helo dadka kugu xeeran. Waxaa laga yaabaa in aadan hubin in aad dacweyso. Norway waxaad xaq u leedahay saddex saac oo caawin qareen ah oo bilaash ah oo aanu wax waajib ah ku saarnayn ka hor inta aadan go’aan ka gaarin in aad dacweyneyso xadgudub galmo iyo in kale.

La xiriir dhakhtarka joogtada ah (fastlegen) ama kalkaaliso caafimaad (helsesøster), xarunta qaabbilaadda dadka la faraxumeeyay (overgrepsmottak), xarunta taageerada ee ka hortagga galmada dadka isku qoyska ah iyo xadgudubka galmada (støttesenter mot incest og seksuelle overgrep, SMISO), DIXI (DIXI) ama booliska (politiet) si lagaaga caawiyo fahmidda waxa dhacay, aad uga soo kabsato waxa aad la kulantay oo haddii loo baahan yahayna loo dacweeyo.

Falcelinnada caadiga ah gacanqaadka iyo xadgudubka kaddib

Ma naxdaa oo ma cabsataa? Ma is weydiisaa in aad dhab ahaantii adigu denbigooda leedahay wixii kugu dhacay? Aad ma uga qajishaa in aadba soo xasuusato waxa dhacay? Ma kugu adag tahay in aad feejignaato wax yar iyo wax weyn key doonto ha ahaato shaqada aad qabanayso e?

Waxaan oo dhan waa kuwo caadi ah oo dhaca marka qofka loo geysto gacanqaad, ha ahaadeen dhacdooyin marar go’an dhacay ama gacanqaadyo soo noqnoqday oo aad la kulantay.

In kasta oo aanay isku mid wada ahayn sida ay dadku uga fal celiyaan gacanqaadka loo geysto, laakiin haddana wax badan ayaan ka og nahay qofka gacanqaad loo geystay dareenka caadiga ah iyo falcelinta uu samayn karo, mustaqbalka dhow iyo mustaqbalka fog ba, ha ahaadeen dhacdooyin marar go’an dhacay ama xadgudub muddo socday. Waxaa kuwan ka mid ah:

  • welwel iyo cabsi
  • ceeb
  • wixii dhacay oo aad mar kale dib u dareento
  • khalkhal xagga hurdada ah
  • is-eedeyn iyo dareen denbiilenimo
  • dhibaato xagga feejignaanta- iyo xasuusta ah
  • caro iyo xanaaq badan
  • xanuun jirka ah
  • dhibaato xagga wadashaqaynta agagaarka
  • dhibaato xagga u dhawaashaha dadka kale iyo galmada
  • niyadjabnaan
  • baahi loo qabo in wax la koontaroollo
  • kabuubyo
  • kalsoonidarro
  • in dhacdada laga soo qaado wax aan micna badan lahayn, shakina laga keeno wixii dhab ahaanti dhacay
  • habdhaqan sidii qof aan xad lahayn
  • is-qoqobid
  • cidlo, dareen ah in qofku keligiis yahay

Mararka qaarkood ayaanay falcelisyadu iskood u bixin, xataa haddii uu wakhti dheer ka soo wareego, dadka qaarkoodna waxay isu beddelaan cudurro sida niyadjab, welwel, khalkhalka cuntada, xanuunka karkabada wax horey u dhacay oo la soo gocdo (PTSD) ama in lala qabsado mukhaadaraadka.

Haddii ay dhibaatooyinka ku haya kugu waaraan waxaa muhiim ah in aad qof kala hadashid, ama aad dad takhasus leh caawin u raadsatid si aad uga soo kabsato wixii kugu dhacay. La xiriir dhakhtarka joogtada ah (fastlegen) ama kalkaaliso caafimaad (helsesøster), xarunta dadka la faraxumeeyay ee kuugu dhow (overgrepsmottak) ama xarunta dadka dhibka loo geystay (krisesenter), ama DIXI (DIXI). Dhakhtarka joogtada ah ayaa kuu gudbin kara cilminafsi-yaqaan haddii aad kaas u baahan tahay.

Ma taqaannaa dad loo gacanqaado?

Dad badan ayaa loo baahan yahay in ay soo sheegaan gacanqaad, hanjabaad iyo dad ay u welwelsan yihiin. Xiriirka aad soo samayso ayaa noqon kara intii yarayd ee booliska iyo hey’adaha gargaarka ka dhimmanayd sidii ay u garan lahaayeen in uu meesha gacanqaad ka jiro.

Haddii aad ka shakido in qof aad taqaan loo gacanqaado, waa in aad booliska (politiet) kala xiriirtaa telefoonka 02800. Adiga oo magacaagu qarsoon yahay ayaad soo sheegi kartaa.

Carruurta isku si ayay khatar ugu lahaan kartaa in ay arkaan gacanqaad guriga ka dhacaya iyo in iyaga laftigooda loo gacanqaado. In uu ilmuhu gacanqaad la kulmo waa arrin aad wax u dhaawacda, gacanqaadka qoyska dhexdiisa ka dhacana wuxuu tusaale ahaan ilmaha yar u keeni karaa dhaawac aan weligood ka harayn. Haddii aad ilmo u welwelsan tahay, waxaad wici kartaa telefoonka gargaarka carruurta iyo dhallinyarada (alarmtelefonen for barn og unge), 116 111, u sheegi kartaa adeegga maadinta carruurta ee degmada (barnevernet) ama booliska (politiet) toos ugala xiriiri kartaa telefoonka 02800 ama lambarka gargaarka degdegga ah ee 112.

Dad ma u gacan qaaddaa ama ma u hanjabtaa?

Haddii aad tahay mid xanaaq dhow oo dadka ka cabsiiya, wax ku dhufta, haraatiya ama u hanjaba, bahdila, ku xadgudba ama koontaroola, markaa gacanqaad ayaad geysataa.

Nasiib wanaag waa lagaa caawin karaa sidii aad isu beddeli lahayd. Dadka u gacan qaada dadka kale iyaga laftigoodu caawin ayay u baahan yihiin. Haddii aad qirato in ay ku hayso dhibaato xagga gacanqaadka ah, markaas xalkii ayaadba u dhow dahay.

Xataa haddii aadan hubin in ay waxani gacanqaad yihiin iyo in kale, haddana waad la xiriiri kartaa hay’adaha gargaarka (hjelpeapparatet). Waxaa iyana loo baahan yahay in aad wixii dhacay kala hadasho qof aad taqaanno. Ka hadlidda aad dhacdada ka hadasho ayaa kaa caawin karta in aad sharraxdo sidii wax u dheceen, fikirkaaga iyo dareenkaaga. Waxay sidoo kale taasi kaa caawin kartaa in aadan gacanqaad danbe u geysan.