Rugta waxay siisaa labadaba kuwa ahaa dhibanayaasha xadgudubka galmada iyo kuwa sameeyay ama ka walaacsan inay sameeyaan xadgudub.
Adeega wuxuu ka koobanyahay:
- Daaweynta shaqsiga
- Daaweynta lamaanaha
- Daaweynta kooxda
- Daaweynta carruurta iyo qaangaarka
Kuwa ka shaqeeyo rugta caafimaadka waxay la leeyihiin waaya aragnimo weyn la shaqeynta dhammaan noocyada dhibaatooyinka galmada. Kooxda ugu balaaran ee xirfadlayaasha IKST waa cilmi nafsiilayaasha, dhoor oo ah la taliyayaal iyo qaarkood oo ka ah la taliyayaal caafimaadka galmada. Machadka sidoo kale wuxuu leeyahay labo taqasusyaal oo la talinta galmada iyo la talinta caafimaadka maskaxda ee ku taqasusay caafimaadka galmada.
Shaqaalaha waxay leeyihiin waajibaadka qarsoodiga. Waxaa sidaas darteed laga illaaliyaa la wadaagida warbixin walba ee adiga kugu saabsan dadka kale iyada oo aan jirin ogolaanshahaaga hore (illaa ay jiraan xaalad degdeg ah, oo nolosha halis ku ah).
Warbixinta xiriirka
Websaydka IKST: https://www.sexologi.no/
I-meelka: IKST@sexologi.no